Golaha Baarlaamanka oo maanta ka dhacay kulan looga tashanayey Dastuurka dalka oo ay ka soo Qayb galeen Ururrada Bulshada.

???????????????????????????????Waxaa maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho Kulan ay kasoo qayb galeen ardayda iyo macalimiinta jaamacadaha, cuuryaamiin, haweenka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka, ganacsato, culummaa’uddiin iyo xubno beesha caalamka ka socday oo looga tashanayay dastuurka.

??????????????????????????????????????????????????????????????Guddoomiyaha baarlamanaka ahna ku simaha madaxweynaha Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa Kulankan shir guddoominayay waxaana barlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tashanayay geeddi-socodka dastuurka dalka, iyadoo hadallo kala duwan ay ka jeediyeen dadkii kasoo qaybgalay.

Furitaankii kulankan ayaa khudbad ka jeediyay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari isagoo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee dastuurku soo marayn, wuxuuna xusay in maanta marxaladda la joogo oo ah marxalad aad loogu farxo in shacabka iyo baarlamaanku ay hal meel ku sugan yihiin iyagoo ka tashanaya dastuurkooda, isagoo shacabka ku boorriyay inay kasoo baxaan kaalinta kaga aaddan dastuurka oo ah midka lgau dhaqi doono.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddigan, xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo hadal dheer ka jeedisay kulanka ayaa sharraxday qaybihii bulshada ee kulanka kasoo qaybgalay iyo qorshe howleedka guddiga, waxayna xustay in guddigooda ay mar walba la tashanayaan shacabka Soomaaliyeed, aragtida iyo talooyinka shacabkana ay tahay mida ay ku shaqeynayaan illaa dastuurka uu ka gaaro heer ay shacbiga Soomaaliyeed u codeeyaan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee qayb galay kulanka ayaa iyaguna halkaas ka soo jeediyay fikradahooda, iyagoo hoosta xariiqeen inay aad ugu faraxsan yihiin in lagala tashto maanta aayahooda; waxayna ballan-qaadeen inay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan dowladdooda. Xubno ka tirsanaa ka oo ka socday

Ugu danbeyntii kulanka ayaa guddiga dastuurka ee baarlamaanka waxay kala wareegeen dadkii kulanka kasoo qaybgalay qoraallo ay ku muujinayeen talo ay

Guddoomiyaha baarlamanka oo kulanka soo xiray ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay mar walba ku xirnaadaan baarlamanka ayna u soo gudbiyaan talooyinkaas ku aaddan dastuurka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: