Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda Jubaland ee Kismaayo.

UN_new_yorkXubnaha Joogtada golaha amaanka ee  QM oo kulan ku yeeshey magaalada New York ee xaruunta qaramada midoobay ayaa wuxuu soo saaray bayaan ku saabsan xaaladaha cakiran ee ka taagan magaalada ksimaayo ee xaruunta gobolka Jubbada hoose ayagoo muujiyay sida ay uga walacsan yihiin muranada halkaasi ka taagan.

War-murtiyaad ay soo saareen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa timid markii ay warbixin ka dhegeesteen kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay Tayé-Brooke Zerihoun waxaana ay intasi kadib soo saareen warsaxaafaded ay ugu baaqayaan qeybaha qusaysa arinta kismaayo in  ay qeyb ka noqdaan dadaalka ay wado dowlada federaalka ah ee Soomaaliya si looga badbaado dhibaatooyin hor leh oo dhasha sida arrimaha bani,aadanimada.

Sidoo kale golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa sheegay in ay si buuxda u taageerayaan dadaalka dowladu ay wado ee ah baahinta nidaamka dowliga ah iyadoo la eegayo madaxbanaanida qaranka iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo hanaan wanaagsan oo wax dhisa kaasi oo dhexmara dowlada dhexe iyo maamulada dowlada Soomaaliya hoostaga ayaa lagu yiri bayaan qaramada midoobay.

Dhanka kale Bayaankan ka soo baxay  xafiiska qaramada midoobay ee magaalada New York ayaa lagu sheegay in dowladaha ugu tunka weyn dunidda oo joogtada ka ah qaramada midoobay  ay si aad ah u tixgalinayaan ahmiyada ay leedahay in aan la carqaladeyn geedi socodka nabadda oo ay majaraha u hayso dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo doonaysa in shacabka soomaaliyeed ay ku noolaadaan amni buuxa iyo barwaaqo.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa hoosta ka Xariiqday sida ay uga go,antahay taageerida howlgalka ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo ku nux nuxsaday in ay talaabo adag ka qaadi doonaan cid alaale cidii loo arko in ay majaxaabinayso dib u heshiisaain iyo geedi socodka nabadda ee Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa si buuxda u taageeray warmurtiyeedkii madaxada wadamada urur goboleedka IGAD ee soo baxay 24kii bishii may,waxana uu ugu baaqay dalalka ku jira IGAD iyo kuwa dariska ahba inay door wax dhisaya ka qaataan sidii gacan looga geeysan lahaa yareynta xiisadaha ka taagan gobolladda Jubbooyinka,lana helo wadiiqo looga gudbo dhibaatoyinka hada taagan.

Magaalada ksimaayo ee xaruunta gobolka Jubbada hoose ayaa in mudo ah waxaa ku suganaa kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab alqaacida,iyadoo marki dambe ciidamada qalabka sida oo taageero ka helaya howlgalka AMISOM ay awood military ku muquuniyaan kooxaha argagaxisasda Soomaalida ah.

Si kasta ha ahaatee Ugu dambeynta 15 xubnood ee joogtada ah ee goalaha maanka ee qaramada midoobay ayaa bayaankoodi waxaa ay ku sheegeen in Soomaaliya ay ka daashay dagaal sokeeyey haatana ay fahamtay wadiiqooyinka sahlaya horumarka dalka iyagoona taabtay dadaalka loogu jiro in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2016.

SomaliSwiss       New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: