Ergeyga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya oo Maanta safarkii ugu horreeyay ku tagay Magaalada Hargeysa.

???????????????????????????????Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay iyo xubno la socday ayaa maanta tagay Hargeysa si uu kulammo ula yeesho madaxda Somailland oo uu ugu horreeyo Axmed Siilaanyo oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland.

MR Nicholas Kay ayaa noqonaysa Booqashada uu ku tagay Hargeysa tii ugu horreysay tan iyo markii xilkan uu la wareegay hoggaantii bishan Juun, wuxuuna xilligaas sheegay in Hargeysa ay ka mid tahay goobaha ay ka furan doonaan xafiisyada.

Ergeyga QM, ayaa markii uu  ka dagay saakay garaanka diyaaradaha Hargeysa wuxuu yiri:. “Waxaan Hargeysa u imid xilli aad u horreeya oo ka mid ah wakhtiga ay shaqadaydu billaabantay si aan u muujiyo in Qaramada Midoobay ay taageerayso himilooyinka nabadda iyo barwaaqada.”

Sidoo kale Wakiilku wuxuu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, iyadoo lagu wado inuu caawa fiidkii kulankiisii ugu horreeyay la yeesho madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanayo.

“Somaliland waa jasiirad nabdoon oo xasiloon oo ku taalla gobol aan xasiloonayn, waxaan rumaysanahay inay jiraan casharo laga baran karo halkan oo ku saabsan sidii nabadda gobolka loo dhisi lahaa. Sidaas daraadeed, waxanu halkan u nimid inaanu wax ka-baranno isla markaana taageerno hindiseyaal horseedaya nabad waaarta, xasilooni iyo barwaaqo,” ayuu hadalkiisaa ku daray.  

Dhanka kale wuxuu sheegay hawsha loo igmaday UNSOM waa inay gacan ka gaysato dhismaha awoodda wax-qabad ee Qaranka, adkaynta nabadda, iyadoo ahmiyadda la siinayo maamul-wanaagga, dibuhabeynta hay’adaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadamaha, dhex-dhexaadinta wada-xaajoodyada iyo isku-dubaridka kaalmooyinka caalamiga ah.

Ergayga Qaramada Midoobay wuxu Caddeeyey in QM y ka warqabto dadaalka Somaliland ee la xiriira xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadda iyo meel-marinta dimuqraadiyadda iyadoo Somaliland qabatay doorashooyin soo noqnoqday. Sidoo kale waxaan ka warqabnaa inay jiraan caqabado la xiriira nidaamka cadaaladda iyo hay’adaha quseeya iyo weliba xeerka dhaqanka ee la xiriira, waxanu diyaar u nahay ayuu yiri Ergeygu inaan taageero ka gaysano sii xoojinta ku dhaqanka sharciga.  

Si kasta ha ahaatee Ergaygu wuxuu uga danbeyntii sheegay in UNSOM ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato wada-hadallada Somalia iyo Somaliland. “Booqashadani waxay hordhac u tahay booqashooyin badan oo aan Somaliland ku imaan doono waxaana iga go’an wada-shaqayn miro-dhal ah. Xafiiska Hargeysa wuxuu xiriir hor leh la yeelan doonaa maamulka iyo bulshada rayidka ah si loogu kuur-galo meelaha la iska kaashan karno.

SomaaliSwiss           Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: