Soomaalida ku nool Caalamka oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayaan shucuurtooda iyo baroordiiq ay u sameynayaan Soomalidii lagu laayey Koonfur Afrika.

bannaanbax MalaysiyaWaxaa maalmahan ka socday  Wadamada ay soomalida u qaxday  dibadbaxyo iyo kulamo baroor-diiq ah oo ay soo abaabuleen  Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka Caalamka, gaar ahaan Wadamada  Britain, Mareykanka, Sweden, Holand Kenya iyo Malaysia ayaa ayaamahanba ka socday wadamada Caalamka. Bannaanbax LondonWaxayna Soomaalida sameynaysay dibadbaxa  ay kaga horjeedeen dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysnayo dalka Koonfur Afrika.

Magaalada London ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal Soomaali ah oo ku qaylinayo erayo ay ku codsanayeen in lagu joojiyo dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika lagu hayo.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay qaarkood wateen boorar ay ku qoran yihiin: “Waa in la joojiyo dilalka lagu hayo Soomaalida” Sidoo kale waxay wateen calanka Soomaaliya, waxaana mudaaharaadkan uu ahaa mid la dareemay bartamaha magaalada London.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa toddobadyadii ugu dambeeyay waxaa dilal loogu geystay lix qof oo Soomaali ah, kuwaasoo mid ka mid ah lagu dilay dhagax, waxaana taasi ay kicisay Soomaalida ku nool caalamka oo dhan, iyagoo dhigay dibadbaxyo waxaana meelaha ay ka dhaceen ka mid ahayd magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, kulan ay kazoo qaybgaleen Soomaalida wax ku barta iyo kuwa ku nool dalka Malaysia ayaa xalay ka dhacay magaalada Kuwalalambur ee dalkaas, kaasoo loogu baroord-diiqayay Soomaalidii lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

BannaanbaxDadkii kasoo qaybgalay baroordiiqdaas waxay ku dhawaaqayeen: “Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda iyo shacabka Koonfur Afrika inay joojiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka Soomaalida ah ee dalkooda ku nool, waana inay xusuustaan taageeradii ay u gashay Soomaaliya xilligii ay ku jireen gumeysigii midab-kala-sooca ahaa”  

Sidoo kale, Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa haween maro-cad madaxa ku xirtay kuwaasoo xambaarsanaa boorar ay ku qoran yihiin: “Waa in la joojiyo dialka loo geysnayo Soomaalida Koonfur Afrika ku nool” iyo “Waa in Soomaalida Koonfur Afrika ay hesho cadaalad.”

Dhanka kaleka soo qayb galayaasha  waxay wateen calanka Soomaaliya oo ay luxayeen iyo calanka dalka Koonfur Afrika oo dhiig ku daadsan; waxaana haweeney waayeel ah oo ka mid ahayd dadkii kasoo qaybgalay dibadbaxa ay sheegtay iyadoo ilmaynaysa inay aad uga xun tahay dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysnayo Koonfur Afrika.

Sida lagu soo warramay Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qoraal ay u dirtay xukuumadda Koonfur Afrika waxay kaga dalbatay inay faragelin ku sameyso dilalka iyo dhaca lagu hayo Soomaalida ku nool dalkooda, ayna baaris ku sameyso kuwa geysanaya falalkaas si sharciga loo horkeeno.

SomaliSwiss           London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: