Ergayga Soomaaliya uga wkiilka Xarunta Labaad ee Qaramada Midoobay Geneva oo ka hadlay dhibaatada Haysata Soomaalida ku nool Koonfur Afrika.

Bari bariWaxaa Magaalada Geneva ee dalka Switzerland ka soconaya fadhigii 23aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM, waxaana si aad ah looga dareemayaa xaaladda is-badalaysa ee dalka Soomaaliya gaar ahaan midda Xuquuqul Insaanka.

Kulanka shirweynaha 23aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM. ayaa waxaa ka soo qayb galay Safiirrada Dalalka Afrikaanka ah, kuwaas oo ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Geneva Yuusuf Max’ed Ismaaciil Bari Bari, wuxuuna kulankaas ka jeediyay hadal dheer oo aad u adag kaasoo uu uga hadlaayay dhibaatada xooggaan lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale Mudane Yuusuf Bari Bari ayaa waxaa uu wax aad laga naxo oo ka baxsan bani’aadannimo ku tilmaamay dilkii wuxuushnimada loogu geystay dhawaan dalka Koonfur Afrika Allaah ha u naxariistee nin dhalinyaro ah taasoo si weyn ay ugu carootay Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Warku wuxuu intaa ku daray in Safiirka Soomaaliya uu sheegay in dalka Koonfur Afrika laga doonayay in ay dadka Afrikaanka ah soo dhaweyso gaar ahaan waqtigan oo ay hayso guddoomiyenimada Ururka Midowga Afrika, iyadoo sidoo kale uu xusay in ay ahayd in ay tixgeliyaan dadyowga la midabka ah ee horay abaalka ugu galay sida Soomaaliya oo kale.

Ergayga Somaaliya ayaa wuxuu tilmaamay dhibaatada loo geysanayo dadka Soomaaliyeed mid aad u soo noq-noqotay oo ku saleysan waxa loo yaqaano Xenophobia ama naceyb dad gaar ah loo qabo ama cabsi laga qabo dad ajnabi ah, asaga oo xasuusiyay Dowladda Koonfur Afrika doorka lama iloobaanka ah ee ay Soomaaliya ka qaaadatay la dagaallankii midibtakoorkii ka jiray Koonfur Afrika.

Sida la wada ogsoon yahay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay waddaa qorshe looga hor tagayo takoorka foosha xun leh lagu hayo dadka qaxootiga ah iyadoo dooneyso in qaraar ay horgeyso shirweynaha 24aad Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM.

Dhanka kale xilligii uu dhammaadey midab-takoorkii Dalka Koonfur Afrika culeys weyn ayay saartey qabanqaabadii shirkii lagu qabtey magalaada Durban ee sida cilmiyeesan loogu cambaareey midab-takoorka, Isla Dowladda Koonfur Afrika qaraarro faro badan oo lagu camaabreeynayo midab-takoorka iyo isir naceebka ayay u soo bandhigtey Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM halkaasoo lagu ansixiyey.

Sidaas aawgeed Diblumaasiinta ka hawlgala Xarunta QM ee Geneva waxay aad u xiiseynayaan una taageeri doonaan tillaabada taariikhiga ah ee ay qaadi doonto Dowladdaa Federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss           Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: