Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Gobollada dalka oo Tabbabar looga furay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska Somalia.Waxaa shalay dugsiga tababarrada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneral Kaahiye Tababar soconaya muddo afar maamood ah uga furmay 14-sarkaal oo ah taliyayaasha Saldhiyada booliiska Soomaaliyeed ee gobollada dalka.

C/kariin Xuseen Guuleed oo Wasiirka arrrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, ayaa tababarkan furay shalay kasoo ay kasoo qaybgaleen madax ka socota wasaaradda arrimaha gudaha sida, wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamud Cali, wasiir ku xigeenka, Xassan Maxamed Ibrahim, taliayaha booliska Soomaaliyeed, Jen. C/xakiin Daahir Saciid iyo saraakiila ka socotay ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kalƶe ujeedada Tababarkan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa fulinta qorshe hawleedyada booliska Soomaaliyeed ee 2013 illaa 2014 iyo sidii ciidanka booliska Soomaliyeed looga soo dhisi lahaa heer degmo, heer gobol illaa heer Qaran. Qorshe hawleedkani booliska wuxuu diiradda saarayaa dar-dargelinta sugidda amniga iyo dib-u-dhiska ciidanka booliska Soomaliyeed.

Dhanka kale intii uu soconayo tababarku waxay taliyayaasha Boliiska gobolladu ay ku falanqeyn doonaan sida ugu fudud ee baahida booliiska gobollada wax looga qaban karo iyo sidii loo soo dhisi lahaa xag tababarro iyo xagga dhisidda haykalka Ciidanka.

Furitaankii Tababarkan ayaa waxaa ka hadlay taliyaha booliska Soomaliyeed, Jen. Saacid oo ka warramay ahmiyadda siminaarkani u leeyahay guud ahaan ciidanka booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howgalla gobollada dalka oo dhan.

Hase yeeshee Taliyuhu wuxuu ka hadlay qorshaha booliiska Soomaliyeed ee afarta sano ee soo socota iyo halka uu hiigsanayo isagoo sheegay inuu rajeynayo muddada uu xilka hayo inuu doonayo in ciidanka booliiska uu gaarsiiyo meel sare ayna noqdaan kuwo bulshadooda u adeega.

Waxaa ugu dambeyntii goobtaas ka hadlay Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamud Cali, wuxuuna sheegay in qorshaha cusub ee booliska iyo halka ay hiigsanayaan ay tahay sidii ay u sugi lahaaeen amniga shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā  Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: