Dowladda Maraykanka Maraykanka oo sheegtay in ay weli jiraan dagaal-oogayaal aan dooneyn in Soomaaliya ay baxdo Fowdada.

USAWar saxaafaded laga soo saaray wasarada arimaha dibada Maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya kuwa midowga afrika ee howgalka u jooga Soomaaliya iyo ciidamada Ethiopia ay ku amaanan yihiin sida ay uga go’antahay in Soomaaliya ay u horseedaan mustaqbal wanaagsan.

Sidoo kale War saxaafadedkan ayaa lagu sheegay in ay jiraan talaaboyin waa weyn oo horyaala hogaanka Soomaaliya waxana dowlada Maraykanka ay xusatay in aan weli laga itaal roonaanin xarakada al-shabab ee Somalia ka dagalanta.

Dowladda Maraykanka ayaa si cad  u sheegtay in ay jiraan dagaal-oogayaal weli aan dooneyn in Soomaaliya fowdada ay ka baxdo midaasi uu tusaale u soo qaatay weeraradii argagexiso ee ugu danbeyay ka dhacay casimada Soomaaliya Muqdisho iyo khatarta argagexiso ee weli ka jirta degaano badan oo baadiyaha Soomaaliya.

War saxafadedka wasarada arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in  dowlada Maraykanka  ay ballan qaaday inay sii wadi doonto taagerada ay siinayso dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale War-saxafadeedkan ayaa waxaa lagu ammaanay istiraatijiyada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka ammaanka uu ku soo hadal qaaday shirkii 2-aad ee ka dhacay magalada Lodnon oo loogu hadlayey arrimaha Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee War-saxafadedkan waxa shaca looga qaaday in Maraykanka uu weli ka walacsan yahay sii socoshada xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ka jirta dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss        Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: