Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo si qiira leh uga hadlay dilkii wuxuushnimada ahaa ee loogu geystay dalka South Africa Wiil Soomaali ah.

Tarsan1Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa si kulul uga hadlay dilalkii waxashnimada ahaa ee wiilka Soomaaliga ah loogu geystay South Africa.

Mudane Tarsan oo ka hadlayay banaanbax balaaran oo arintaasi looga soo horjeeday oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Konfur Afrika ay danbi ka gashay shacabka Soomaaliyeed.

“South Afrika waxaan leeyahay waa dal wuxuush ah waxaan leenahay South Afrika waa horar waxay galeen dambi aan caalamka laga gelin oo bini’aadamka ka dhan ah”Ayuu yiri Tarsan.

Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ka dalbaday Xoghayaha Guud ee QM inuu ka hadlo dilka wiilka Soomaaliga ahaa ee dhagaxa lagu dilay,isagoo tilmaamay hadii uusan arintaasi ka hadlin Ban Ki Moon in ay ufahmayaan inuusan cadaalad aheyn.

“Bankimoon  hadii uusan ka hadlin wiilka dhagaxa lagu dilay waxaan u fahmeenaa dano gaar ah”.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ugu dambeyn sheegay in qof dambe oo South Afrikaan ah uusan salaameyn xitaa hadii uu yimaado Magaalada Muqdisho wasiirkooda arimaha dibada ilaa ay naga garbaxaan.

SomaliSwiss             Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: