Madaxweynaha Soomaaliya iyo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Kay oo si wada jir ah uga hadleen dagaalada ka socda magaalada Kismaayo.

???????????????????????????????Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wadajir saxaafadda ay ula hadleen isaga iyo Mr Nicolas Kay ayaa sheegay in   howlgalka xafiiska UNSOM ee Soomaaliya in uu sahlayo sidii hal meel ay hay’adaha Qaramada Midoobey ugu shaqeyn lahaayeen, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay gacan siinta howlgankani cusub.

???????????????????????????????Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada Kismaayo ka jira, dowladda Soomaaliyana ay ku howlan tahay sidii loo dadajin lahaa shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka dhici dooni.

Ergaygga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Middobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Kay ayaa tilmaamay in Soomaaliya mustaqbalkeeda xiligani uu soo ifayo, wuxuuna ku baaqay in si sharuud la’aan ah loojoojiyo dagaalka ka socda magaalada Kismaayo,  khilaafkana lagu dhameeyo wadahadal..

Danjire Kay ayaa wuxuu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa in wax laga xumaado ay tahay in dagaallo ay ka dhacaan Kismaayo laguna dhameeyo khilaafyada jira si nabadgalyo ah.

“Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan dhinacyada ay arrintan khuseyso in ay go’aansadaan sidii ay khilaafka ugu xallin lahaayeen wadahadal. Waxaan ka xumahay wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalladaas.  Wixii hadda ka dambeeya waa inay taariikhda Soomaaliya qortaa in khlaaf walba oo yimaada lagu dhameeyo wadahadal,” ayuu yiri danjiire Key.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Qas hor leh oo billowday wuxuu sii dheereynayaa dhibaatada dadka Soomaaliyeeed oo keliya, sidoo kalena waxuu dib u dhigaayaa dib u soo kabashada Soomaaliya ee ay ka shaqeynayaan bulshada caalamka.”

???????????????????????????????Ergaygu wuxuu sheegay in xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM uu door muhiim ah ka ciyaari doono xallinta khliaafaadyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, innagoo la tashayna buu yiri dhammaan qaybaha ay arrintan khuseyso.

Danjire Kay ayaa dagaalka Kismaayo kala hadlay madaxweynaha Somalia iyagoo isku raacay in laga shaqeeyo sidii lagu joojin lahaa colaaddaas ayna dhinacyadu u sameyn lahaayeen xiriirro ay si nabad ah ugu dhameynayaan khilaafaadyadooda.

Dagaalladii ka dhacay Kismaayo ayaa waxay sababeen dhimashada dad ku dhow 20-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamadii dagaalamayay, iyadoo ay weli ka taagan tahay degmadaas xiisad colaadeed oo sababi karta inuu mar kale qarxo dagaal.

Si kasta ha ahaat Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Qaramada Midoobey, Midowga Africa, IGAD iyo waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku howlan sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa xaaladda Kismaayo, iyadoo uu hadda socda dadaal ay dowladda ka geysaneyso sidii loo joojin lahaa dagaalada Kismaayo ka socda, waxaana dhawaan Muqdisho ka dhici shir dib u heshiisiin oo badankiisa diirradda lagu saari doono arrimaha Jubbooyinka.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: