Dagaalladii ka socda Kismaayo oo la sheegay inay ku nafwaayeen 10-qof dad badanna ay Guryahooda ka Barakaceen .

Kismaayo-dagaal.jpg1Wararkii ugu danbeeyey  ee dagaalka Kismaayo ka socda ayaa sheegaya in ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeyay iyo shacab isugu jira oo ku dhintay dagaal saaka oo Sabti ah ka qarxay bartamaha magaalada Kismaayo, kaasoo u dhexeeya mas’uuliyiin isku haysta xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubbaland oo bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo.

Dagaalka ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay dadka ku nool magaaladaas oo billaabay inay ka barakacaan gurayahooda si ay uga nabad galaan rasaasta fudud iyo midda culus ee ay adeegsanayaan labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ku faafay xaafadaha magaalada oo dhan, inta badan magaalada ay ku sugan yihiin dagaalyahannada ururka Raaskambooni ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Nin oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo wuxuu yiri:”Waxaan arkay dhimashada sideed qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen shacab oo ku dhintay dagaalkii saakay qarxay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen,” ayuu

Goob joogahan ayaa sheegay in dagaalku uu weli socdo lana maqlayo hubka ay labada dhinac, isagoo sheegay in dadka intooda badan ay ka cararayaan magaalada.

Sidoo kale, Ciidamada Kenya oo qayb ka ah AMISOM ayaan qaadin wax tallaabo ah oo lagu qaboojinayo dagaalkan oo u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Iftiin Xasan Baasto oo isaguna sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo dhinacyada hardamaya uu mid walba doonayo inuu la wareego gacan ku haynta magaalada oo laga qabsaday Al-shabaab sannadkii hore.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku celcelisay in dagaallada la joojiyo, balse ma jirto tallaabo ay qaaday oo ay isugu dayayso inay dagaalkaas ku hakiso labada dhinac ee ku dagaallamaya magaaladaas.

Dhanka kale Afhayeenka Raaskambooni, C/naasir Seeraar ayaa sheegay in ciidamada ay la dagalaamayaan ay yihiin kuwo ay hubeysan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Al-shabaab, dagaalkuna uu yahay mid ay magaalada oo dhan uga sifeynayaan.

Sida la wada ogsoon yahay Magaalada Kismaayo oo ah magaalo muhiim u ah dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray xiisado ku aaddan is-qabqabsi dhinaca maamulka ah.

SomaliSwiss         Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: