Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo xalay Kulan ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Faroole_Xasan_SheikhMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Continue reading

Dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay kasoo baxayaan warar dheeraad ah iyo Bandow caawa lagu soo rogay.

maleeshiyada ras kamboni kismayo 1Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii maanta ku dhexmaray bartamaha magaalada Kismaayo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersanaa mid ka mid ah raggii ku dhawaaqay inay madaxweynaha ka yihiin maamulkii looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland. Continue reading

Dowladda Britain oo Safiir Cusub u soo Magacowday Soomaaliya, kaasoo bedeli doona danjirihii ka horreeyay.

Dajiraha_Britain_ee_Somalia_Xukuumadda Britain ayaa maanta danjire cusub u soo magacowday arrimaha dalka Soomaaliya, kaasoo bedeli doona danjirihii hore ee dalka Britain ay u magacowday, Matt Baugh.

Danjiraha cusub oo lagu magacaabo, Neil Wigan, kaasoo xilka la wareegaya inta lagu jiro bishan Juune 2013-ka. Waxaana uu horay uga soo shaqeeyay dalal Afrikaan ah oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Continue reading

Ciidamo katirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo magaalada Kismaayo ku soo bandhigay dhoolatus Militari.

Ciidamada XDSCiidamo ka tirsan XD Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose ku soo bandhigay dhoolatus melateri,  iyadoo wasiirka difaaca Soomaliyana uu ku amaanay ciidamadaasi dadaalka ay usoo galeen xoreynta Kismaayo iyo sugidda amaankeedaba. Continue reading

Soomaalida ku dhaqan South Africa iyo daafaha Caalamka oo maanta bannaanbaxyo cabasho ah dhigaya.

BannaanbaxBannaanbaxyo balaaran oo lagaga cabanayo dilalka loo geysanayo Soomaalida ku nool dalkaasi South Africa ayaa maanta ka soconaya gobolka Eastren Cape town ee dalka South Africa iyo wadamada Caalamka, sida dalalka Soomaaliya, Ingiriiska, Sweden,  America iyo waddamo kale. Continue reading

%d bloggers like this: