Madaxweyne Xasan Sheikh oo magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Dalka Kenya.

M. Soamalia iyo KenyaWar aan ka helnay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya kulamo kula qaatay dhigiisa dalkaasi iyo safiirada dowladda Britain iyo America u qaabilsan dalka Kenya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdigii la socday ee ka soo qeyb galay shirkii looga hadlayay horumarinta wadamada Africa ayaa markii ay soo gareen magaalada Nairobi waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yarisoow” oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen waxyaaba ay ka mid yihiin adkeynta ammaanka xuduudaha, ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka iyo sida laga yeelayo Qaxootiga Soomaaliya ee ku nool dalka Kenya.

Sidoo kale Inj. Yarisoow ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Kenya ay yeelan donaan kulamo caawa ilaa biri kaas oo ay uga hadlayaan hirgalinta kulamadoodi hore iyo kulamadii ay yesheen labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay Nairobi ku lahaa shirar xiriir ah.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay safiirada dowladaha UK iyo Mareykanka ee u fadhiya Kenya wuxuuna kala hadlay hirgalinta balan qaadyadii ay horay u sameyeen dowladahooda, waxyaabihii ka soo baxay shirkii Japan iyo shirka G8-ka oo ay yeelan donaan wadamada horumaray kaas oo ay hoggaamin doonto dowladda Ingiriiska iyadoo uu ka soo qeyb galayo Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: