Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dagaal ku dhexmaray Wadada isku xirta Baydhabo iyo Xamar.

Maleeshoonyin la laayeyDagaal Culus oo khasaare baaxad leh ka dhashay ee ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaara Maleeshiyaadka Al-Shabaab , waxaana la sheegayaa in ilaa 10-qof in ka badan in dagaalkaasi looga dilay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Heraadiga Maleeshiyaadka Xarakada Al-Shabaab ee dagaalkaas lagu dilay ayaa ahaa kuwii maalmahana dambe dagaaladda ka waday wadadda isku xerta baydhaba iyo Muqdisho, gaar ahaana degmooyinka yaaqbiriweyne iyo leego iyo weliba deegaano kale eek u dhirirsan wadadasi.

Sida aad la socotaan Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka waday qaar ka mid ah Gobollada dalka, kaas lagu doonayo in lagu nadiifanayo Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxey ka sameeyeen wada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlgalkan waxa uu ahaa mid ay Ciidammadu maalmahan u sameynayeen si isdaba joog ah, waxaana talaabada ay ka dambeysay howlgallada wadadaas laga nadiifiyo maleeshiyaad ka tirsan argigixisada Al-Shabaab oo ku labisan dharka Ciidammada, kuwaas ay  wadadaas ku dhibaateeynayey dadka shacabka ah ee ku safraya.

Warka wuxuu intaas uu ku darayaa in Dagaalkaas oo dhacay 30ka bishii May 2913 ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 10 Maleeshiyo ah iyo Laba Horjooge oo hogaaminaysay waxaana Maleeshiyaadkan iyo Horjoogahoodaba ay ku labisnaayeen dareyska Ciidammada, waxaa howlgalkan uu ka dhacay inta u dhaxeysa Garoonka Balidoogle iyo deegaanka Yaaqbariweyne.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa waxay sheegeen in intii uu socday howlgalkan waxey Ciidammadu gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen Maleeshiyaadkan iyo Horjoogayaashii hogaaminayeybo waxaana ay Ciidammadu fariisimmo dhowr ah ka sameysteen wadada dhexdeeda si ay usii xaqiijiyaan amniga oo aanay haraadiga Al-Shabaab fursad ugu helin iney shacabka ku safraya ku dhibaateeyaan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: