Xog’hayaha guud ee Q.M oo ku eedeeyay in Xarakada Al-shabab ay si gaar ah u bartilmaamaysataan dadka rayid ah ee Soomaaliyeed.

uno.jpg1Xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon ayaa ku eedeeyay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta inay si gaar ah u bartilmaamaysato dadka rayid ah eek u sugan gudaha Soomaaliya.

Mr. Ban ki Moon oo hadal uu jeediyay ayaa wuxuu ku sheegay in marka loo eego weerarada ay ka geystaan gobolada dalka qaarkood ay si joogto ah ula eegtaan goobaha dadka maatida ah ay dagan yihiin si gaar ah goobaha aysan dawladu sida joogtada ah uga talin.

Sidoo kale Xog’hayaha guud ee Q,M waxa uu sheegay in Sideedii bilood ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya hayso wadada nabada hase ahaatee joogitaanka Al-Shabab ee gobolada qaar ay abuurtay nabad darro baahsan meelaha qaarna ay ka geystaan weeraro rayidka ka dhan ah sida uu yiri.

Mr. Ban ki Moon wuxuu intaa ku daray ee uu yiri: “Beegsiga dilka iyo weerara si joogta ah ayay dalka uga geystaan waxaana ay ku laayaan maatida waxaadna ogtihiin in sanadkaan ay qaraxyadu Soomaaliya aad ugu kordheen marka loo ego sanadkii hore ee 2012” sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii ay Shababku ku qaadeen dhismaha maxkamada gobolka Banaadir ee degmada X,weyne 14,kii bishii April ee sanadkaan kaasoo galaaftay nolosha badan.

Ugu danbeyntii Mr. Ban ki Moon wuxuu ciidamada Dawlada Soomaaliya ku eedeeyay inay geystaan xad gudubyo ka baxsan bini’aadanimada.

SomaliSwiss            New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: