Hay’adda Qaxootiga Qarammada Midoobay, oo Sheegtay iney Sii Kordhayaan Qaxootiga Soomaalida Ah ee Dib ugu Laabanaya Wadankooda.

UNHCRHay’adda Qaramada Midoobay uga qaabilsan arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay iney sii kordhayaan dadka Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanayo dalkooda hooyo kuwaas oo badinkooda qaxooti ku ahaa dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in dad badan oo Qoxooti Soomaalia ah ay dib ugu soo laabteen dalkooda hooyo ilaa horaantii sanadkan, wararkaas oo lagu faafiyey qaar ka mid Warbaahinta Caalamka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Hay’adda Qoxootiga UNHCR iyo xafiiska isku dubaridka gargaarka Aadanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah uga hadlay soo laabashada dadka Soomaalida ah.

Sidoo kale warbixinta ay soo saartay hay’adaha Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa lagu sheegey in dad gaaraya ilaa 18,000 ruux oo qoxooti ku ahaa wadamada deriska la ah Soomaaliya ay si iskood ah dib ugu soo laabteen Soomaaliya.

Hase yeeshee Warbixintan ayaa soo baxday wax yer uun kadib markii xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Banki Moon uu ku booriyay beesha caalamka in ay sii xoojiyaan dadaalada dib loogu soo celiya dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ah wadamo badan oo ku yaala geeska Africa.

Dhanka kale Mr. Banki Moon iyo ku xigeenka Madaxweynaha wadnka Kenya Wiiliam Rotu ayaa kulan ay dhawaan ku yeesheen wadanka Japan waxaa ay isla meel dhigeen suurto galnimada in la helo wadiiiqooyin sahlaya qorshyaal dib dalkooda loogu soo celinayo dadka ku jira xerooyinka ku yaal gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Ugu danbeyntii Warbixintan ayaa lagu caddeeyey in Soomaaliya ay kaalinta Sadexaad kaga jirto wadamada ugu qoxootiga badan ee caalamka sida Iraaq iyo Afganistan.

SomaliSwiss            Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: