Ergayga Cusub Mr, Nicolas Kay Ee Q.M. U Qaabilsan Soomaaliya Oo Rajo yididiilo wanaagsan leh Ka Muujiyay Mustaqbalka Soomaaliya

Mr, Nicolas KayWar ka soo baxay Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu sheegay in mustqabalka Soomaalida cusub uu xambaarsan yahay rajo iyo yididiilo ifayso, iyadoo qorshaha siyaasadeed ee Soomaaliya ay hogaamin doonto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ergayga cusb ee xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan ee UNSOM. Mr, Nicolas Kay waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey mustaqbalka Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay iney ku dadaalayaan sidii howlgalka UNSOM uu u guuleysan lahaa, iyadoo lagu shaqeynayo qorshaha dowladda Soomaaliya ay dalkeeda u dajisay.

Mr. Nicolas Kay ayaa sheegay in wijiga cusub ee howlgalka UNSOM uu ku bilaabayo, horumarrinta adeegyada Bulshada Soomaaliyeed, sida dhismaha xarumaha Waxbarashada, Isbitaallada iyo wixii la midka ah, si ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska Soomaaliya.

Ergayga cusb wuxuu farta ku fiiqay in qorshahan uu socon doono ilaa Soomaaliya laga gaarsiiy in dadweynuhu ay u dareeraan doorasho xor ah.

Dhinca kale Nicolas Kay ayaa carrabka ku adkyeeyay in hannaanka siyaasaddeed ee Soomaaliya ay hogaamineyso xukuumada, UNSOM-na ay gacan ka geysaneyso sidii loo qaadi lahaa wadadaasi la qorsheeyay, iyadoo loo eegayo baahida ay qabaan shacbiga Soomaaliyeed.

Howlgalka UNSOM ee Qaramada Midoobay ugu tala-gashay ayaa la rumeysan yahay in uu wax badan ka baddelan yahay xafiiskii hore ee UNPOS, waxaana siyaasaddiisa cusub ay ku saleysan tahay horumarinta, xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss            Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: