Magaalaada Yokahama ee Dalka Japan oo maanta Lagu Soo Gabagabeyay Shirkii Hormarinta Qaarada Afrika.

JapanShirkii hormarinta qaarada afrika oo mudo dhowr maalmood ah ka socday magaalada Yokahama ee dalka Japan ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay, waxaana madaxdii shirkaas ka qeyb gashay ay isku af garteen qodobo badan oo uu ka mid yahay in la sameeyay qorshihii mudada 4ta sano ee TICAT iyo japan ay ku wada shaqeyn lahayeen,iyo in la ansaxiyay Yokahama Declaration.

Madaxweynaha soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo si weyn loo soo dhaweeyay, waxaana soomaaliya la siiyay mudnaan gaar ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu shirka socday waxa uu kulamo goono gooni la yeeshay madax kale duwan,waxaana ka mid ah Agaasimaha guud ee hay,adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka oo uu kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay sida soomaaliya looga saacidi lahaa Dhirta la jaro iyo dhuxusha la dhoofiyo oo dhibaato ku ah shacabka soomaaliyeed,iyo,iyo sida ay Qaramada Midoobay ugala shaqeyn lahayd arrintaasi

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan gaar ah la qaatay agaasimaha guud ee FAO oo ay ka wada hadleen sidii hay,aada FAO u soo dagi lahayd magaalada muqdisho.iyaga oo balan qaaday in xafiisyadooda Nairobi ay ka soo guuri doonaan inta uusan dhamaan sanadkan.

Dhanka kale Hay,adda FAO ayaa balan qaaday inshacabka soonaaliyeed ay gaarsiin doonaan mashaariic lagu hormarinayo beeraha iyo xoolaha.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxay ku qanceen ka qeyb galka shirkan, waxana ay uga mahad celiyeen dowlada japan sida ay u sharaftay oo ay ugu casuumtay shirkan taariikhiga ah iyo sida ay u ogolaadeen in mashaariicda hada ka dib ay si toos ah ugala xiriiri doonaan dowlada soomaaliya.

SomaliSwiss        Yokahama

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: