Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa South Africa kula kulmay magaalada Yokahama ee dalka Japan.

Somaliya & Konfur AfrikaMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wadanka Japan kulan ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalka Koonfur Afrika la qaatay Madaxweyne Jakob Zuma.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Japan uga qeyb galay shirkii horumarinta wadamada Africa iyo Japan ayaa si wada wada kulamada uu la qaadanayo madaxda caalamka isagoo kulankii ugu dambeeyay la qaatay madaxweynaha d Koonur Africa Jakob Zuma isagoo kala hadlay xiriirka Labada waddan , sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo ka mid ah wefdiga madaxweynaha ee Japan ku sugan.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay dhigiisa South Afrika tacdiyada loo geysto Soomaalida degan dalka Koonfur Africa, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeeyay madaxweynaha Koonfur Africa in si deg deg ah loo xaqiiyo nabadgalyada dadka Soomaaliyeed oo maalmihii ugu dambeeyay ficillo aad u xun ay kula kaceen kooxa manaxayaal ah oo dilal iyo tacadiyo ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Afhayeen dowladda Eng Yariisow ayaa sheegay in Madaxweye Xasan Sheekh uu faray wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda ku sugan dalka Kenya in ay warqad dabagal ah u qorto dhigeeda dalka Koonfur Africa.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Mudane Jakob Zuma ayaa balan ku qaaday in marka uu ku laabto dalkiisa uu si deg deg ah jawaab uga soo bixin doono dhibaatooyinka Soomaalida dalkiisa loogu geysto, isla markaana arrintaasi talaabo cad laga qaadi doono sidii loo hakin lahaa.

Sida la wada ogsoon yahay Boqolaal Soomaali ah oo ganacsi ku haysta dalka South Afrika ayaa kooxo burcad koofur Afrikaan ah ay ku dileen dalkaasi, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyayna ay sii kordhayeen dilalka iyo boobka loo geysanaya Soomaalida ku nool dalkaasi.

SomaliSwiss        Yokahama

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: