Ku Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la kulmay Ergayga cusub ee Qarammada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.

???????????????????????????????Ku Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kula kulmay Muqdisho ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Key.

Waxaa Kulankaas looga hadlay wajiga cusub ee howgallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ay ka furanayso xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Prof. Jawaari oo si wadajir ah shir jaraa’id ula qabtay ergayga cusub.wuxuu yiri: “Waxaa lagama maarmaan ah in xafiiska cusub uu dowladda Soomaaliya ka caawiyo howlo badan oo wax looga qabanayo dalka, waxaana rajeynayaa in xafiiska cusub ee UNSOM uu wax badan la qaban doono dowladda iyo dadka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xafiiskan si aad ah u soo dhaweynayso, ayna ka filayso inuu la yimaado howlkarnimo la mid ah tii uu hayay xafiiskii UNPOS oo howshiisu ay maanta ku ekeyd.

Dhanka kale,Mr. Nicholas Kay oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay uu kaalin mug leh ka geysn doono wax ka qabanashada arrimaha Soomaaliya, isagoo aad u ammaanay ergaygii ka horreeyay.

Mr. Nicholas Kay wuxuu hadalkiisa ku daray“Xafiiska cusub wuxuu saldhiggiisu noqon doonaa Muqdisho, wuxuuna diyaar u yahay inuu si daacad ah uga shaqeeyo arrimaha Soomaaliya oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u soo xilsaaray”.

Dadka u dhuun-daloola Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay ku tilmaameen in howgalkan cusub ee Qaramada Midoobay uu wax weyn ka bedelnaan doona howlgalladii hore, iyadoo howshiisa ay kusoo beegmayso xilli ay dalka ka jirto dowlad rasmi ah, lagana soo gudbay xilligii KMG ahaa.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: