Howl-galladii ay wadeen.Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo maanta ka socda Degmada Xamar-jajab ee Muqdisho.

HowlgalHowl-galladii ay wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta ka socda Degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, waxaana xeran dhammaan waddooyinka soo gala degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadan ay guryaha mid-mid u galayaan ayna kala soo baxayaan dhallinyarada, dhallinyaradaas oo la isugu geynayay barxad waaweyn oo ku taala gudaha degmadaas.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen inaysan jirin cid shaqo aadday iyo goob shaqo oo furan, sidoo kalena ay ardaydu ku xayiran yihiin guryahooda qaar ka mid ahna ay ciidamadu guryahooda kala baxeen.

Ilaa haatan Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin howl-galka ay saakay ka wadaan degmada Xamar-jajab, balse waxay sheegeen in ay qabqabateen dhallinyaro badan oo looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Si kasta ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka socday howgallo xooggan oo lagu baarayo degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu soo qabqabtay tiro dhallinyaro ah oo qaarkood weli ay ku jiraan xabsiyada Muqdisho, hase yeeshee saraakiisha AMISOM ayaa waxay sheegeen in dadka la qabqabtay ay yihiin kuwo lagu baadi-goobayo kooxo ka tirsan Al-shabaab oo magaalada ku dhuumanaya

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: