Madaxweynaha Somaliya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay arrimaha Soomaaliya.

Kulanka UN iyo SomaliaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kula kulmay Yokohama Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon.

 Sidaa warku nagu soo gaaray labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM Nick Kay oo maalinta berry ah booqanaya Muqdisho si uu howshiisa cusub u bilaabo, arrimaha amniga, iyo sidii QM ay kaalin hoggaamineed uga qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka.

Ban Ki-Moon ayaa wuxuu ammaan u soo jeediyey dowladda Somaaliya sida ay u geliyeen juhdiga iyo dadaalka lagu horumarinaya dalka Soomaaliya, waxuuna sheegay in QM ay kaalmo buuxda la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna uga mahadceliyey Madaxweynaha saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka Sunta ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga bilaabo berri inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha QM ay u soo guuri doonaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Mr. Ban Ki-Moon doorka weyn ee Qaramada Midoobay iyo sida Dowladda Soomaaliya loogala tashaday magacaabista mas’uuliyiinta sar sare ee QM ee ka howlgalaya Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxwweynaha ayaa sheegey in dowladdu ay diyaarisay qorsheyaashii xasilinta dalka oo uu sheegey inay muhiim tahay in Dowladdu ay dejiso sharciyaddii lagu dhisi lahaa maamulada dalka si loo helo maamul wanaag sal sharciyadeedna leh kaas oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa wuxuu ka codsaday Qaramada Midoobay inay door fiican ka qaadato sidii Soomaaliya hay’adaheeda dib loogu dhisi lahaa oo loo heli lahaa hay’ado tayeysan oo u adeega danaha shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss          Yokahama – Japan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: