Madaxweyne Xasan Sheikh oo magaalada Yokohama kula kulmay Madaxdii ka soo qayb-gashay Shirkii horumarinta Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh 10Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo ka qayb-galaya shirka Horumarinta Afrika ee ka socda magaalada Yokohama ee dalka Japan ayaa wuxuu kulammo gooni-gooni ah kula yeeshay masā€™uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya, madaxa bankiga adduunka, madaxa UNICEF iyo xubno kale. Continue reading

Dagaal culus oo ciidanka dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray shalay duleedka Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

AmisomWaxaa shalay oo Jimco ahayd dagaal culus ku dhexmaray duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM oo iku dhinac ah iyo Al-shabaab, dagaalkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Continue reading

Shirkii horumarinta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Afrika oo maanta ka furmay dalka Japan.

Japan.jpg1War Saakay naga soo gaaray magaalada Yakohama ee dalka Japan ayaa sheegaya in shirka hormarinta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Afrika uu ka furmay magaaladaas, waxaana kulankaas ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaa madaxdii lagu casumay shirkaas, sidoo kale Kulankaas waxaa ka soo qeybgelay Madaxda wadamada Afrika. Continue reading

Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo howlgalo baaritaanno ah maanta ka wada degmada Warta-Nabada.

BaaritaanwadadaCiidamada Amaanka Soomaaliya ayaa waxa Howlgallo baaritaanno ah oo lagu xaqiijinayo Ammaanka ay maanta ka wadaan degmada Warta Nabadda, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgalo maalmahanba ka soconayay degmooyinka kala duwan ee Caasimadda. Continue reading

Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya oo maanta Baarlamanka horgeysay Hindise Sharciyeedka maamulka Diblumaasiyada Wasaaradaas.

Astaanta QarankaWaxaa maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ay horgeysay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya hindise sharciyeedka Maamulka diblumasiyada Wasaaraddaasi, waxayna arintaas ay qeyb ka tahay hindisooyinka ay Xukuumaddu horgeyneysay Baarlamaanka. Continue reading

%d bloggers like this: