Maraykanka oo Codsatay in loo soo gacan geliyo Xasan Daahir iyo Itoobiya oo soo dhaweysay gacan ku soo dhigidda hogaamiyihii hore Xisbul islaam.

usaSomaliaFlagWasaarada arimaha dibada xukuumada Itoobiya ayaa soo dhaweysay gacan ku soo dhigista hogaamiyihi hore kooxda Xisbul islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys maalmo kadib markii uu isaga oo ka soo baxsaday magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu magaladaasi ka dilaacay dagaal u dhaxeya xarakada Al-Shabaab. Continue reading

Haddii Wadahadallada u socda Dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, lagu aqoonsado Madaxweyne Jubbaland, waa burburka Dowladnimo.

Sheikh Axmed MadoobeDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay la wadaa hoggaamiye beeleedka isku magacaabay inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, sidii ay ugu qancin lahayd inuu soo raaco tubta toosan ay Umadda u hayaamayso, si xal loogu helo xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo oo haatan ka socda gacan ka hadal. Continue reading

Wadahadal u socda Xukuumadda Soomaaliya iyo Sheekh Axmed Madoobe si loo dajiyo Xiisadda Kismaayo

HSheikh Hassan Dahir Aweys, leader of the Hizbul Islam insurgent group, speaks at a news conference in Mogadishuoggaamiye Diimeedka in muddaba ah la dagaalamayey Dowladda iyo Ciidamada Ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu u raaco magaalada Muqdisho xildhibaannadii iyo waxgaradkii dhawaan gaaray degmda Cadaado, kaddib markii wadahadallo maalmo qaatay oo ku dhexmaray degmadaas. Continue reading

Wadahadallo la xiriira arrinta Sheekh Xasan Daahir oo weli ka socda Magaalada Cadaado iyo Sheekha oo diiday in loo Wareejiyo magalada Muqdisho.

Somalia Insurgent Groups

 Wararka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu diiday in xildhibaanno iyo waxgarad  ka tirsan degmada Cadaado oo shalay gaaray degmadaasinuu Muqdisho u soo raaco. Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha  iyo KaaliyeMadaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta  Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in imaashada Kaaliyaha magaalada Muqdisho ay muujinaysan in Soomaaliya ka jirto nabad, wuxuuna intaas raaciyey  in imaanshihiisa ay dowladda Soomaaliya  macno weyn ugu fadhiyo. Continue reading

Dowladda Soomaaliya iyo Norway oo Heshiis Dublamaasiyadeed Maanta ku kala saxiixday Magaalada Muqdisho .

Wasiirka Norway iyo wasiiradda SomaliaMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dalka Norway oo uu hoggaaminaay wasiirka horumarinta iyo xiriirka Caalamiga ah  ee Norway, Heikki Holmes. Continue reading

Madaxweynaha Somalia oo Sheegay in Shirka Brussels uu Muhiimad Gaar ah u leeyahay Dalka Soomaaliya

Pre_Xasan_iyo_Wafdi_EUMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in shirka Brussels lagu qaban doono 16-ka bisha September ee sannadkan 2013 uu muhiimad weyn u leeyahay Soomaaliya. Continue reading

Dagaalkii ka qarxay Kismaayo oo keligiis joogsaday balse weli ay jiraan xiisad u dhaxeyso dhinacyadii dagaalamay.

Kismaayo.jpg4Dagaalkii maanta ka qarxay Kismaayo ayaa la soo sheegay inuu keligiis joogsaday, balse weli magaalada ay ka jiraan xiisado colaadeed oo u dhexeeyay dhinacyadii dagaalamay. Continue reading

Si loogu baxo Ciriiriga dhaqaale ee haysta Soomaaliya waxay Soomaaliya yeelanaysaa lacag cusub.

IMF-logo.png1Sarkaalka u hadlay hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo sheegay in  Soomaaliya ay yeelato lacag ka duwan midda hadda la isticmaalo si ay uga baxdo ciriiriga dhaqaale haysta, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ha’yadda lacagta adduunka ee IMF oo ka mid ahaa saraakiil Nairobi kula kulmay mas’uuliyiin Soomaali ah. Continue reading

Jen. Cabdi Qeybdiid oo ka digey shirqoolada uu ku soo kordhin karo Xasan Daahir shacabka degan gobolada dhexe.

Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) 1Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ah Madaxweynaha maamulka Galmudug State ayaa saxaafadda gudaha la hadlaayay, wuxuuna ka digay dhibaato cusub oo uu sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ka dhex abuuri karo shacabka ku nool gobolada dhexe ee Soomaaliya. Continue reading

Maanta oo kale: 26-ka June & 1-da July (Daawo Video Taariikhda Dheer ee xornimadii Dalka Soomaaliya)

26-ka june-1-da july

DAAWO VIDEO TAARIIKHDA DALKEENA Continue reading

Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb oo shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheikh Xasan Daahir AweysAfhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa shaaa ka qaaday in xalay saqdii dhexe uu isu soo dhiibay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin sare ka ahaa ururka Al-shabaab islamarkaana hore u hogaamin jiray ururkii burburay ee la magac baxay Xizbul Islaam. Continue reading

Munaasabado Loogu Dabaaldegayo 26ka-June oo Xalay laga dhigay Muqdisho Iyo Gobollada Dalka.

???????????????????????????????

 Xalay saqdii dhexe waxa ay ku beegneyd sanad guurradii 53aad ee ka soo wareegatay markii ay gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ka xoroobeen dalkii Ingiriiska islamarkaana ay aheyd markii ugu horeysay oo Dalkeenna si xornimo leh uga dul babado Calankeenna ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo gobollada Dalka ka soconaya munaasabaddo loogu dabaaldegayo 26ka-June. HOOS KA DAAWO TAARIIKHDA XORNIMA DOONKII. Continue reading

Wafdi uu Hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Baladweyne.

Wafdi  wasiirrka difaacaWafdi uu hoggaaminayay wasiirrka difaaca ee xukuumadda Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, xildhibaanno iyo  guddoomiyaha maamulka  gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalmihii ugu danbeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Continue reading

Amiirkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khalifa Althaanii oo Maanta Xilkii Amiirnimo u wareejin Wiil uu dhalay….

Hamad_bin_Khalifa_Al_ThaniWakaaladda wararka dalka Qatar ayaa sheegaya in Amiirkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khaliifa Althaanii uu maanta si rasmi ah xukunka ugu wareejiyay wiil uu dhalay ee magaciisu la yiraahdo Sheekh Tamim Bin Xamad Althaanii, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo taariikhda wadamada carabta uu boqor si iskiisa xilka isaga wareejiyo. Continue reading

Wafdi uu horkacayo Wasiirka warfaafinta oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Wasiirka WarfaafintaWafdi uu horkacayo Wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda dalka Jabuuti, isagoo Dalaka uga qayb qaadanayo Xuska maalinta qarannimada dalka Jabuuti. Continue reading

Wasiirka Gaashaadhiga Soomaaliya oo sheegay in hadda la helay Ciidamadii ka saari lahaa Al-Shabaab deegaanada ay maamulayaan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya1Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji (Fiqi) ayaa sheegay in ciidamadii shalay tababarka loogu soo gaba-gabeeyey Muqdisho ka sugayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-Shabaabka dawladda kasoo horjeeda ee dagaalada kula jira. Continue reading

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya oo Ku Kulmay Markab dushiisa.

Diyaarada qumaatiga u kacda.jpg 1Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso iyo taliyaha howlgalka ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay dusha markab laga leeyahay Portugal oo ku sugan meel ka baxsan xeebaha badda magaalada Muqdisho. Continue reading

WARSAXAAFADEED: Ra’iisul-Wasaare Saacid oo Ridwaan Xaaji Cabdiweli u Magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ridwaan Xaaji CabdiweliWarsaxaafadeed: Ra’iisul-Wasaare Saacid oo Ridwaan Xaaji Cabdiweli u Magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Continue reading

Ra’isulwasaare Saacid oo maanta Ka Qeyb galay Munaasabad Tababar Loogu Xerayey 1850 Askari.

???????????????????????????????Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad tababar loogu xerayey 1850 askari oo ka mid noqonaya Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Continue reading

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo wacad ku maray inuu Awood u Isticmaali doono dhinacyada ku dagaallamaya gobolka waqooyi bari.

Uhuru Kenyatta 2Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu awood u isticmaali doono maleeshiyaad beeleedka hubaysan ee ku dagaallamaya deegaanadda Mandheera iyo Wajeer  hadii aanay hubkooda soo dhiibin. Continue reading

Munaasabado loogu Diyaargaroobaya Xuska 26-ka Jun Iyo 1-da Lulyo oo Ka Socota Dalka Iyo Dibaddiisa.

Maalinta Calanka.Waxaa dalka Soomaaliya Gudaha iyo dibaddiisa ay  ka socdaan Qabanqaabo iyo u diyaargaroow aad u weyn oo loogu diyaargaroobayo xuska Maalmaha Xoriyadda Dalkeenna ee 26ka-June iyo Koowda Luulyo, taas oo loogu danleeyahay in si weyn looga dareemayaa gudaha dalka iyo caalamka. Continue reading

Baarlamaanka oo ugu deeqay Agoonta Askartii Booliiska ka Geeriyoodeen 30kun oo Dollar.

Xildhibaannada Iyo Taliska BooliiskaXildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lacag gaareysa 30,000$ (Soddon kun oo Doollar) oo ay gunadooda bishan ka jarayaan ugu deeqay carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen askarta Booliiska ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda,dadkooda iyo diintooda kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Booliiska. Continue reading

Dowladda Ingiriiska oo shaaca ka qaaday in 14 Milyan Pound ay ku bixinaysa dhismaha Xabsiga dhexe iyo Maxkamadda Dambiyada.

Mis Justline GreeningDowladda Ingiriiska ayaa shaaca la qaaday in 14 milyan oo Pound ay ku bixinayso dhismaha xabsiga weyn ee magaalada Muqdisho iyo maxakamdo dambiyada, si loogu maxkamadeeyo kuwa lagu helo falalka la xiriira burcad-badeednimada iyo argagaxisada.

Continue reading

Ururka Muslimiinta Mareykanka oo Erdogan uga Mahadceliyay u gargaaridda Qoxootiga ku firirsan Caalamka oo dhan.

American-Muslims,Ururka Muslimiinta dalka Mareykanka ayaa waxay qoraal mahadcelin u diray  Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxayna uga mahadceliyeen taageerada joogtada ah ee uu siiyo guud ahaan qoxootiga ku nool caalamka, gaar ahaan qaxootiga Islaamka. Continue reading

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgalo lagu Soo Qabqabtay Kooxo Burcad ah, Ka Sameeyey Wadada isku xirta Afgooye iyo Walweyn.

ciidamada xooga dalka SoomaaliyaWaxaa howlgallo oo ay ka qeyb galeen cutubto ka tirsan ciidamada dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa haatan waxaeey ka socanayaan wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Walweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose. Continue reading

Madaxweynaha South Afrika oo Ka hadlay dilalka loo geysanayo dadka Ajaanibta ah ee jooga Dalkiisa.

zuma-jacob.jpg1Madaxweynaha Koofurta Afrika Jacob Zuma oo ka hor sheegay Baarlamaanka dalkiisa inay jiraan dilalka loo geysanayo ajaaniibta ku nool wadankiisa, balse uu sheegay inaysan ahayn sida loo buunbuuninayo, hase yeeshee waxaa jira haatan inay sii kordhaya dilalka iyo boobka joogtada ah oo ay Burcad koofur Afrika ku hayaan Soomaalida ku ganacsata Koofur Afrika.

Continue reading

Magaalada Phnom Penh ee Dalka Cambodia oo lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii Xorriyatul-Qowlka Adduunka.

CambodiaMagaalada Koofur bari Asia ee Phnom Penh.ee Dalka Cambodia ayaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii Dallada Caalmiga ee Xorriyatul-Qowlka Adduunka waxaana looga Dooda Xoriyatul Qowlka loo yaqaano International Freedom of Express Exchange (IFEX), waxaana si gaar ah looga hadlay xaaladda Xorriyatul-Qowlka Soomaaliya.

Continue reading

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka hadlay Shirkii Baarlamaanada Jaamacadda Carabta oo Shalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Qaahira.

Prof Dhalxa5Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa shalay  lagu soo gabagabeeyay shirka Barlamaanada Carabta, waxaana  shirkaasina lagu taageeray dowlada Federalka Soomaaliya. Continue reading

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo guddi heer qaran ah u magcaabay xuska munaasabadaha 26ka Juun iyo 1da luuliyo.

rw saacidWareegto  maanta ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxaa lagu soo magcaabay guddi heer qaran oo loo xirsaaray qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da luuliyo. Continue reading

%d bloggers like this: