Advertisements

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo beeniyay go’aan ay shalay Beesha Xawaadle uga dhawaaqday Beledweyne.

Guddoomiyaha G.Hiiraan, LaqanyoMudane Cabdi Faarax Laqanyo oo ah Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, oo maanta la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa beeniyay in go’aankii shalay ay beesha Xawaadle ku sheegtay inay kala laabtay kalsoonida dowladda Soomaaliya uu ahaa mid aysan beeshu u dhameyn.

Sidoo kale Laqanyo oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen qayb yar oo aan matelin beesha Xawaadle, isagoo intaas ku daray in tani ay tahay mid lagu carqaladeynayo horumarka uu gobolku gaaray.

Mudane Laqanyo oo wax laga weydiyey dhacdadii shalay ka dhacday gobolka Hiiraan wuxuu ku tilmaamay in dadkaas ay ka caroodeen lab xubnood oo uu soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, waanan iska aragnay magacaabista, waana isku af-garaneynay arrintaas.”

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxu sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha uu u soo magacabayo gobolka sagaal xubnood oo kale, isagoo xusay in wasiirka uusan gobolkan u soo magacaabayn wax uusan kala tashan maamulka.

Sida runta ah Go’aankii shirkii shalay wuxuu si aad ah uga careysiiyay jaaliyadaha reer Hiiraan ee caalamka ku firirsan, gaar ahaan jaaliyadda ku sugan Waqooyiga Ameerka, kuwaasoo taageero xooggan u muujiyay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku sheegay dadka shirarka qabanaya kuwo tiro yar oo aan metelin reer Hiiraan oo dhan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa wuxuu ugu dambeyntii uu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in shacabku ay ku soo doortaan maamulkooda, sidoo kalena ay qorsheynayaan in Al-shabaab ay ka saaraan meelaha ay gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa shalay ka dhacay shir lagu shaaciyay in beesha Xawaadle ay kalsoonida kala laabatay dowladda Soomaaliiya, iyagoo diidanaa xubno uu wasiirka arrimaha guduhu u magacaabay gobolkaas.

SomaliSwis       Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: