Madaxweyne Xasan Sheikh oo cadeeyay in dowladdu ay bulshada Jubooyinka u qabaneyso Shirweyne nabadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.jpg5Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in dowladdu ay Bulshada Jubooyinka u qaban doonto shir dib u heshiisiin ah, kaas oo qeyb ka ah go’aannadii dhawaan ka soo baxay shir Madaxeedkii urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaday in dowladu qabanqaabineyso shir maamul loogu sameeynayo gobolada Jubooyinka kaas oo ay ka soo qeybgelidoonaan dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolladaasi.

Madaxweynaha ayaa hoosyta ka xariiqay in shirkaasi uu noqondoono mid xalaal ah oo dadkoo is raacsan ay ku dhisan doonaan maamul ay raali ka wada yihiin, wuxuuna  yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: ‘’Arrinta Jubooyinka si kama dambeys ah dowlada Soomaaliya waxey fidindoontaa gogol looga wada tashanayo sidii lagu hagaajin lahaa amuurahaasi, dadkoo israacsan, mideysan oo maamul ay raali ka wada yihiin leh, ayaan gogosha u fidineyna, dowladuna waxey ku saacideysaa sidii ay u sameysan lahaayeen wax ay wada leeyihiin’’.

Dhanka kale Urur goboleeedka IGAD ayaa sharci darro ku tilmaamay maamulada Jubooyinka ee looga dhawaaqay magaalada Kismaayo, isagoo dowladana ugu baaqay iney qabato shir maamul loogu sameeynayo gobolada Jubooyinka.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: