Dowladda Maraykanka oo sheegtay in diyaarad looga soo riday dalka Soomaaliya.

pentagonSarkaal Sare oo ka tirsan hay’adda gaashaandhigga  Maraykanka ee magaceedu loo yaqaano PENTAGON ayaa sheegtay in diyaarad nooca ah kuwa aan duuliyaha laheyn oo ku soo dhacday Somalia in ay aheyd mid kamid ah diyaaradaha Maraykanka ee nooca basaaska ah ee maclumaadka ka soo uruurisa degaanada lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin shaqsiyaad uu baadi goobayo Maraykanka.

Wasarada gashandhiga Maraykanka ayaa shegtay inay xaqiijinayso in diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ay leedahay Maraykanka ku bur burtay degaano u dhaw xeebaha Somalia e konfurta caasimada Somalia ee Muqdisho.

Sidoo kale Xarakada Al-shabab ay shegatay in ay iyada soo riday diyaaradhaasi,balse waxa uu tilmaamay in ay baritaan ka fureen sababihi ka danbeyey in diyaarada ay soo dhacdo.
Masuuliyinta Maraykanka oo wax laga weydiiyay nooca diyaarada hadii ay waday hub iyo nooca shilka balse wa ay diiden in ay faahfaahiyaan.

Arrintan ayaa Xarakada Al-shabab ay ku soo qoreen bartooda tuwiterka ayna shegtey in ay iyaga ka danbeyen in lasoo rido diyaradahasi

Wararka ka imaanaya Degaanka Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose waxay sheegayaan in duleedka degaankaasi ku soo dhacday diyaarad yar oo aan la ogeyn waxay tahay.

Si kasta ha ahaatee Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xiray goobta ay ku soo dhacday diyuuradaas meel howd ah oo illaaa 5-km ka baxsan degaanka Buulo mareer, waxaana gubanaya dayuurada iyadoo ay ka baxeyso uuro madow oo cirka isku shareertay iyagoo dadweyne halkaas ku dhowaana u diiday iney ku soo dhowaadaan.

SomaliSwiss          Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: