Shir Madaxeedkii Midowga Africa oo lagu soo gebagebeeyay iyo Wafdigii Madaxweyne Xasan oo saaka dalka dib ugu soo laabtay .

Madaxweyne Xasan  Dib MuqdishoWaxaa magaalada Adis’ababa lagu soo gebagebeeyay Shir madaxeedkii wadamada Midowga Afrika, waxaana laga soo saaray go’aano waxtar u leh QaaraddaAfrika.

Shirkan waxaa looga hadlay xaalada wadamada ku jira Midowga Afrika, waxaana intii uu socday diiradda lagu saaray qorshaha mustaqbalka 50 sano ee soo socota, sidoo kale waxyaabaha looga hadlay shirka waxaa ka mid ahaa Amaanka, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda iyo sidii looga hortagi lahaa argagixisada.

Sidoo kale Madaxda Midowga Afrika ayaa ka hadashay kaalinta Midowga Afrika uu ka qaadan karo nabadeynta Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada Shabaab, waxeyna madaxdu ka doodeen sidii go’aan mideysan looga lahaa wadamada ay ka dhacdo xasilooni daro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa Madaxda Afrika ee ka qeygaleysay shirkaasi ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxdii ka qeybgaleysay kulankaasi, isagoo kala hadlay xaalada dalkeena Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha soomaaliya Mudane Xasan Sheikh iyo Wafdi uu hogaaminayo Maxamuud ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada adis abab ee caasimada dalka Ethopiya uu kaga soo qeeyb galay dabaal daggii sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay aas-saaska ururka Midowga Afrika iyo shirkii 21aad ee Madaxda midowg afrika.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari”, Ra,iisul wadaaraha Xukuumada Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan labada gole.

Madaxweynaha J.F soomaaliya oo warbaahinta kula garoonka ayaa ka war bixiyay safarkii uu ku tagay magaalada adis ababa,waxana uu sheegay in midowg afrika ay u dabaal dageen sanad guuradii 50aad ee ka soo wareegatay aas-aaska ururka,

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii 21aad ee madaxda midowga afrika looga wada hadlay waxa u qabsoomay midowga afrika 50kii sano ee la soo dhaafay iyo qoorshaha 50ka sano ee socota.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa wuxuu ka war bixiyay go,aankii ay urur goboleedka IGAD ku gaareen in dowlada soomaaliya ay shir dib u heshiisiin ah ku qabato magaalada muqdisho,waxaana Madaxweynaha uu uga mahad celiyay urur goboleedka IGAD Go,ankaasi,

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ay nabad la dooneeyso dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: