Farriin digniin ah oo loo diray Xildhibaanada ku sugan Kismaayo iyo Wafdigii Xukuumadda oo wali ku xayiran Garoonka Kismaayo.

Wafdiga dowladda. KismaayoWaxaa lagu soo warramayaa in maalintii sedexaad ay wali ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo ka koobnaa wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ay dowladda u soo dirtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wafdiga dowladda. Kismaayo.png1Sida aad la socotaan waxaa Wafdigan horkacayay Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta, boostada iyo gaadiidka, C/laahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka garsoorka iyo cadaaladda C/laahi Abyan Nuur iyo saraakiil ciidan, waxaana wafdigu uu maalintii sedexaad ku xayiranyahay garoonka diyaaradaha Kismaayo iyadoona soo gelitaankooda magaalada ay si cad u diideen masuuliyiinta maamulka Kismaayo.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland ee uu madaxweeynaha ka yahay Sheekh Axmed Madoobe ayaa la geeyay illinka hore ee garoonka diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaan Baar Caleen, waxaana ciidamadani halkaasi loo geeyay in ay ka hortagaan in wafdiga dowladda uu gudaha usoo galo magaalada.

Sida la sheegay Ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka ayaa wafdiga Dowladda Soomaaliya ay ku wargeliyeen in ay dib isaga laabtaan, waxaana loo caddeeyey in aysan sugi karin ammaankooda, balse wafdigan ayaa ku adkeeysanaya in ay gudaha u gali doonaan magaalada.

Sidoo kale guddigii xildhibaanada barlamaanka Soomaaliyo ee 16-ka xubnood ka koobnaa ee ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay arimaha Jubooyinka ayaa lagu wargeliyay in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada.

Saraakiil ka gaabsatay in magacooda la xigto ayaa HOL u sheegay in guddi loo saaray arimihaasi ay u tageen xildhibaanada islamarkaasina ay ku wargeliyeen in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Kismaayo.

Xildhibaan C/laahi Yuusuf Xasan (Alankey) oo kamid ah xildhibaanada Kismaayo ku sugan ayaa HOL u sheegay in ay magaalada kusii sugnaan doonaan, wuxuuna intaa ku daray in aysan jirin cid u diidi karta joogitaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Si kasta ha ahaatee Gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco dagaal dhexmara taageerayaasha maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madobe iyo kuwa taabacsan dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss          Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: