Howlgalladii ay ka wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka ka socda Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir.

Booliska AmisomWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay howlgallo baaritaanno ah ka wada xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalladaas ku qabqabtay dad fara badan.

Sidoo kale howlgalladan oo ciidamada isbahaystay ay ka wadeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay ayay AMISOM iyo dowladdu ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Muqdisho.

Xaafadaha la baarayo ayaa waxaa ka mid ah Nasteexo, Jayga iyo siligga Mareykanka, iyadoo dadka lagu amray inaysan guryaha kasoo bixi, ciidankuna ay guri-guri u galayaan guryaha ku yaalla xaafadahaas.

Warka wuxuu intaa ku darayaa in barxad weyn oo ku taalla siligga Mareykanka ayaa la isugu geeyay boqolaal qof oo lagu soo qabqabtay howlgallada saakay socda, iyadoo aysan jirin cid weli xabsi loo dhaadhiciyay.

Ninka Afhayeenka u ah Ciidamada AMISOM ayaa horay u sheegay inay billaabeen baaritaanno ay ku baarayaa degmooyinka gobolka Banaadir ayna guri-guri u baari doonaan si ay ammaanka u sugaan.

Sida la wada ogsoon yahay howlgalkan ayaa wuxuu daba socdaa howgal maalin ka hor ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Buulo-xuubeey oo ka tirsan isla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Waxaa ayaamaha baaritaanno ka socda Muqdisho ka soo hor-jeestay guddiga xuquuqul insaanka iyo arrimaha haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay kuwo xayiraad ku keenaya howlaha aasaasiga ah ee shacabka ku nool Muqdisho.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: