Warbixin:-Howlgallo ay Booliiska Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen Muqdisho.

HowlgalWarbixin laga soo saaray howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabadsugidda iyo booliiska AMISOM ayaa waxaa shalay lagu soo qabqabtay dad badan xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir.

Sida lagu soo warramay Warbixintan ayaa waxay kasoo baxday Ciidamada Booliska AMISOM, iyadoo  lagu sheegay in howlgalladan ay ahaayeen kuwo lagu raadinayay kooxo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxayna xuseen in baaritaanku uu ahaa mid guri-guri ah.

Warbixintan ayaa waxaa lagu yiri: “Howlgalladan waxay qayb ka yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, waana sii socon doonaan inta laga sifeynayo caasimadda kooxaha nabadda kasoo horjeeda”.

Dad ku sugan xaafadda Buulo-xuubeey ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay waaberigii hore ee maalintii Sabti ahayd soo galeen xaafadahooda ayna guryaha kala baxeen dhallinyaro iyo dad kale oo waaweyn.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in dadkii howlgalkaas lagu qabqabtay lagu xiray xarunta CID-da ee Muqdisho halkaasoo lagu arkayay dad badan oo ehelladooda raadinayay, waxaana howgalkan uu ka mid noqonayaa kuwii ugu xooganaa ee ay ka sameeyaan Muqdisho booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii howgalka lagu qabqabtay ayaa lasoo daayay kaddib markii ay lasoo baxeen kaararkooda waxbarasho, sidoo kalena waxaa la sii daayay dadkii watay kaararka muujinaya inay ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda iyo shaqaalaha hay’adaha kale ee dalka ka howlgala.

Col. Cali Aadan Xumad oo ah Afhayeenka AMISOM, ayaa horay u sheegay in guri-guri ay u baari doonaan Muqdisho, ayna raadinayaan kooxaha Al-shabaan ka tirsan oo uu sheegay inay magaalada falal ammaan-darro kawadaan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: