Urur Goboleedka Geeska Afrika (IGAD) oo manta Go’aano ka soo saaraya Xaaladda Muragsan Gobolada Jubooyinka.

Igad conferenceMadaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay ururka IGAD ayaa maanta ku kulansan yihiin Magaalada Adis Ababba e dalka Itoobiya, waxayna kulankooda uga wadahadli doonaan Mushkilada ka aloosan gobollada Jubbooyinka.

Kulankan ayaa la sheegay in Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ay uga horreyntii  dhageysan doona warbixin ay soo saareen guddi farsamo oo ay IGAD horraantii bishan u saartay inay arrinta magaalada Kismaayo baaritaan ku sameeyaan, iyadoo dgudigaan ay is arkeen dhinacyada isku haya Hogaaminta Gobolada Jubooyinka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa marka hore yeeshaan kulan hordhac ah , Wasiirda ayaa la sheegay inay dejin doonaan Ajandayaasha ay ka doodayaan madaxda dalalka IGAD ku midaysan.
Mudane Dr. Maxbuub Macallin oo ah  Xoghayaha guud ee IGAD ayaa la sheegay inuu gudoominaayay Gudiga Farsamo ee IGAD u xilsaartay arrinta Magaalada Kismaayo, iyadoo gudigaasi warbixintooda ay u gudbiyeen madaxda ururka si ay go’aan cad uga gaaraan arrinta Kismaayo.
Dhinaca kale Go’aanka madaxda IGAD ka gaaraan Kismaayo wuxuu noqon doonaa mid ay soo dhaweyso dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in sameynta maamulka Jubaland aan loo marin jidkii habboonaa, islamarkaana ay horay u sheegtay inay dhacayaan waxa hadda ka socda Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa qayb ka ah madaxda IGAD ee maanta kulanka yeelanaya, waxaana maalinta berri ahna uu madaxweynuhu ka qaybgalo kulanka madaxda, Afirka iyo xuska 50-guuradii aasaaska Midowga Afirka oo ka dhici doona Addis Ababa.

SomaliSwiss          Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: