Advertisements

Urur Goboleedka IGAD oo ku dhawaaqday in Dowladda Soomaaliya looga dambeeyo dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Dalka.

igad_statementWarbixin uu soo saaray maanta Urur goboleedka IGAD ayaa lagu caddeeyey in dowladda Soomaaliya looga dambeeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo la raacayo dastuurka Soomaaliya.

Sida aad ula socotaan waxaa Guddi ka kooban IGAD booqashooyin ku kala bixiyay Muqdisho iyo Kismaayo warbixin ay saareen ayaa lagu sheegay in ururka IGAD uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso hab walba oo lagu hir-gelin karo dhismaha maamullada gobollada dalka, haddii ay weydiisato.

Sidoo kale, warbixinta ayaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya inay dedejiyaan sameynta shuruucda dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaaliisimka.

Warbixintan ayaa waxay meesha ka saaraysaa maamullada aanay dowladdu raalliga ka ahayn oo uu ka mid yahay maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale madaxweynayaasha is-magacaabay.

Dhanka kale, Ururka IGAD ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ka shaqeeyso sugidda ammaanka gobollada dalka, si loo helo nabad lagu qaban karo shirar lagu dhisayo maamul-goboleedyada.

Waxaa kaloo Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu baaqay inay qarameyso gabi ahaan ciidamada aan dowladda ka tirsanayn ee ku sugan gobollada dalka sida magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Xubnaha ka socday IGAD ee warbixintan ururinayay ayaa waxay Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, xidhibaannada baarlamaanka Somalia, cuqaasha beelaha, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM.

Sidoo kale guddigan oo hoggaaminayay xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa waxay Kismaayo kula kulmeen, Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Cabdulle Dafle, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan oo ahaa ragga isku haysta Madaxweynnimada Jubaland iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, cuqaasha beelaha, ganacsatada, wafdi dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo iyo taliyaha ciidamada Raaskambooni.

Sida aad ula socotaan Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka IGAD, waxaana guddigan lagu sameeyay shirkii ururka IGAD uu ku yeeshay horraantii bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

SomaliSwiss          Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: