Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Mooshinkii muran dhaliyay….!

Barlamaanka Cusub.jpg2Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa  inay maanta ka doodaan mooshin ka dhan ah  Xukuumadda Soomaaliya kaasoo dhawaan la horgeeyay baarlamaanka, inkastoo xubno ka mid ah kuwii saxiixay ay sheegeen inay ka la laabteen go’aankooda.

Doodda Baarlamaanka ayaa waxay u badnaan doontaa ka hadalka wixii u qabsoomay xukuumadda Soomaaliya muddadii ay jirtay, iyadoo kulankan maanta uu yahay mid ka duwan kulammadii hore ee baarlamaanka.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa u muuqdainay yihiin  kuwo ku kala qaybsan mooshinka laga keenay xukuumadda iyadoo xildhibaannadii mooshinka keenay lagu wado inay kulanka ka faahfaahiyaan dhaliilaha ay xukuumadda u soo jeedinayaa halka, xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinkana ay ka hadli doonaan aragtidooda.

Sidoo kale Kulankan ayaa noqon doona kii ugu xasaasi badanaa ee Baarlamaanka Soomaaliya uu yeesho, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo weli kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ku aaddan mooshinka ka yaalla golaha baarlamaanka.

Waxaa si dhab ah aan loo ogeyn xilliga xukuumadda loo qaado codka kalsoonida ah ayaa haddana, waxaa la sheegayaa in dooddu ay socon doonto maalmaha soo socda, ugu dambeynna xukuumadda cod loo qaadi doono haddii la isku waafaqo.

Sida aad la socotaan waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay xildhibaannada baarlamaanku waxay ansixiyeen qodobbo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan sida loo isticmaalayo daqliga dowladda iyo heshiisyada shirkadaha shisheeye iyo sidoo kale xisaab-xirkii miisaaniyaddii saddexdii bilood ee sannadkii hore ugu dambeysay ee ay dowladdu isticmaashay.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: