Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka laabtay Mooshinkii, markalena la siiyay kalsoonida Xukuumadda Soomaaliya.

baarlamaanka1.jpg2Mooshinkii ay  Xildhibaannada baarlamaanka ka keeneen xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dib uga laabteen Xildhibaanayaasha, sidaas waxaa fadhigii maanta ee baarlamaanka ka caddeeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Waxaa Kulankii maanta soo xaadiray 200 xildhibaan Ajadahiisaa uu ahaa in laga doodo mooshinkii ay xukuumadda ka keentay ayaa la joojiyay, kaddib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in mooshinkaas laga laabtay.

Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) oo ka hadlayey arrinta Mooshinka wuxuu yiri: “Mudanayaal badan ayaa warqado ii keenay, kuwaasoo ay ku sheegayeen in ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen xukuumadda, waxaana xubnaha soo haray ay noqdeen 38-xubnood taasna taasoo ka dhigaysa mooshinka mid aan sharci ahayn”.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa Sidoo kale, sheegay in xildhibaannadu ay kalsoonidooda mar kale siiyeen xukuumadda Soomaaliya ayna noqonayso in ay howsheeda sii wadato, isagoo xukuumadda ugu baaqay inay howlaheeda sii wadato ayna saxdo eedeymihii horay loogu soo jeediyay.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii ka laabtay mooshinka ayaa waxay sheegeen inay u arkeen mooshinkan inuu carqalad ku yahay howlaha dowladda Soomaaliya balse tallaabaadan ayaa waxay noqonaysaa in xukuumadda Soomaaliya oo muddo lix bilood ah shaqeynaysay ay sii wado howsheeda.

Sida la wada ogsoon yahay bartamihii bishan ayaa waxaa xildhibaanno tiradoodu ahayd 93 xildhibaan ayaa hor-geeyeen baarlamaanka mooshin ka dhan ah xukuumadda Somalia, waxaana xildhibaannada saxiixay ay gaareen 129 xubnood, inkastoo ay dib u bilaabeen xildhibaannadu inay ka laabtaan.

Si kasta ha ahaatee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax shirdoon Saacid ayaan weli ka haldin mooshinka ay xildhibaannadu ka laabteen, iyadoo tani ay noqonayso guul u soo hoyatay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xiray kulankii baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii uu ku dhawaaqay in laga laabtay mooshinkii laga keenay xukuumadda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: