Qaar ka mid ah Xildhibaannadii Mooshinka ka geeyay Xukuumadda Soomaaliya oo ka noqday Mooshinkaas

Barlamaanka soomaaliya1Qaar ka mid ah Xildhibaanadii  mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u dhaarteen inay ilaalinayaan.

Mudanayaashan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ka baqeen in xukuumadda hadda jirta mid ka xun ay timaaddo, sidaa awgeedna ay go’aansadeen inay dib uga laabtaan go’aankooda.

Xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:“Dib uga laabashada go’aankeennu ma ahan in xildhibaanada baarlamaanku aysan xaq u lahayn inay mooshin ka keeni karaan xukuumadda, balse waxaa inoo muuqday in tani ay keeni karto in howlaha dowladdu ay dib u dhac geli karaan”.

Xildhibaannada ka laabtay go’aankoodii ay kaga mid noqdeen mooshinka laga geeyay xukuumadda ayaa waxaa ka mid ah: xlidihbaan Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Mudanayaashii goobta ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay inay dhaliil iyo cabasho kaga timdi shacabka Soomaaliyeed taasna ay qayb weyn ka tahay sababta keentay inay dib uga laabtaan go’aankoodii ay kaga midka ahaayeen mooshinka.

Sida la wada ogsoon yahay waxyaabaha dib u dhaca dalka horseeday waxaa ka mid ah khilaafyada joogtada ah iyo is-hortaag lagu sameeyo xukuumad walba oo waxqabad la timaadda, sidaa daraadeed xilligan looma baahna in mooshin laga keeno xukuumadda maadama ay tahay mid ka duwan xukuumadihii  KMG ahaa  ee dalka soo maray, sidaas waxaa qaba bulshada Soomaaliyeed badinkooda.

Si kasta ha ahaatee Mooshinka laga geeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa saxiixay xildhibaanno ka badan 129, kuwaasoo xukuumadda ku eedeeyay wax-qabad la’aan iyo inay kasoo bixi waday howlihii loo idmaday.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: