Ciidamada Amniga Soomaaliya oo saakay howlgallo ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

booliiska.jpg6Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay ka socday howlgallo balaaran oo ay ciidamada Amniga Soomaaliya ay  ku baaraayeen kooxo taageersan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la sheegay inay ku dhuumaalaysanaayaan Xafadahaasi.

Howlgalkan ayaa waxay maanta ka socdaan degmooyinka ay ka mid  yihiin H/wadaag iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, iyadoo Ciidamada Booliska iyo nabad sugida oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa saakay howlgalkaasi ka waday degmooyinka H/wadaag iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sida caadada ah Howlgalkan ayaa waxay saameyn ku yeesheen isu socodka, dadweynaha, gaadiidka iyo ganacsiga ka jiray degaano ka tirsan degmooyinkaasi oo ay ka mid yihiin Xamar. Jadiid Carwo Idko, qeybo ka mid ah wadooyinka wadnaha, soddonka iyo warshadaha, nawaaxiga Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ku teedsan.

Sidoo kale waxaa la arkayey in Ciidamada ay guri guri u baaraya dhamaan xaafadaha degmooyinkaasi ayna soo qabqanayeen  dadka ay ka shakiyaan, iyadoo howlgalkan uu ku soo aadayo xili habeen hore madaafiic lagu weeraray goobo badan oo ka mid ah Gobolka Banaadir, waxaana weerarkaas sheegtay Xarakada Al-Shabaab.

Dhinaca kale howlgalkaan ayay CiidamadaAmniga Soomaaliya ku soo qabqabteen boqolaal qof oo dhalinyaro u badan kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin xoogaga Al-shabaab, waxaana wadada Maka Al-Mukarama lagu arkayay gaadiid shabaqlayaal ah oo dadkaasi laga soo buuxiyey waxaana loo galbinaayay xarunta dembi baarista Booliska.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: