Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay in magaalada Muqdisho ay u geli doonaan guri guri si ay u baaraan.

Amisom Col_-XaamudAfhayeenka Taliska ciidamada AMISOM ayaa maanta ka warbixiyay howlgaladii ugu dameeyay,waxayna sheegay in magaalada Muqdisho ay u geli doonaan guri guri si ay uga baaraan dadka nabad.diidka ah ee ku dhuumaaleysanaya Xaafadaha.

Afhayeenka ciidmada midowga afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane, waxaa uu kaga hadlay laba arimood oo la xiriira xaaladaha amaanka ee dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ugu horeyn ka hadlay howlgalada isdaba jooga ah ee ka socda magaaladda muqdisho waxaa uu na sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM qorshahooda uu yahay in howlgalo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayo laga sameeyo magaaladda Muqdisho iyo hareeraheeda.

Sidoo kale Col. Cali Aadan Xumud ayaa xusay in kooxaha nabad diidka ah ee maleeshiyada al shabaab markii ay ka idlaatay awoodii ciidanimo ay u bedeleen in ay argagixiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho taasina ay soo dedejisay in la qaado howlgalada lagu ciribtirayo haraaadiga argagixisada tiradoodu ay yartahay ee doonaya in ay shacabka dhibaateeyaan.

Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa ugu damebyntii ka hadlay howlgalada ciidamada AMISOM ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan waxaa uu soo hadal qaaday gobolada banaadir, Baay, Kismaayo iyo gobolka Hiiraan, isagoo xusay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo gacan ka helaya shacabka ay ku guuleeysteen iney wax ka qabtaan amaanka goboladaasi.

Hase yeeshee hadalka afhayeenka ayaa waxaa uu imaanaya iyadoo ciidanka AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ay wadaan howlgalo lagula dagaalmayo maleeshiyadka Al shabaab kaasoo ka socda magaalada Muqdisho iyo goboladaa kale ee dalka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: