Bannaanbax looga horjeedo mooshinkii ka dhan ahaa Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Saacid oo maanta Muqdisha ka dhacay

Bannaanbax-MuqdishoWaxaa Saakay barqadii ay Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir oo isugu jira haween iyo caruur ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha ka soo horjeedka xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho.

Dadkan bannaanbaxayay oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho sida xerooyinka barakacayaasha iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, sidoo kale  bannaanbaxayaasha waxay ka soo horjeedeen Xildhibaanadii dhowaan mooshinka ka keenay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Saacid.

Bannaanbax-Muqdisho.jpg5

Bannaanbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen “Mooshin keene doonimeyno, miino aase doonimeyno” iyo “Waxaan taageersanahay xukuumadda Ra’iisal Wasaare Saacid, ma dooneyno in dib naloogu soo celiyo wixii aan ka soo gudubnay iyo wax la mid ah”.

Dadweynihii isugu soo baxay xarunta golaha Shacabka horteeda ayaa laga dareemayay wejiyadooda caro ay u qabaan xildhibaanadii mooshinka ka keenay Ra’iisal Wasaare Saacid, waxayna sheegeen inaysan xilligaan munaasib ahayn in xukuumad jirta oo ka shaqeyneysa nabadda, dib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka mooshin aan wax sharci ah ku qotomin oo dano gaar ah laga leeyahay laga keeno xukuumadda.

Dhinaca kale dadkan ayaa ku dhawaaqay: “Hadaan nahay dadweynaha Soomaaliyeed ee danyarta ah uma dulqaadan doono in mar kale shacbiga Soomaaliyeed ay cagaha la galaan nidaam darro iyo kala dambeyn la’aan dib naloogu celiyo wixii aan horay u soo marnay” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah bannaanbaxayaasha.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: