Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo maanta loogu dabaaldegaya dalka Soomaaliya oo dhan.

SYL1Waxaa maanta Soomaalidu meelksta ay joogto u dabaaldegaysaa Munaasabaddo lagu xusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15ka-May oo ku beegan sanad guurradii 70-aad ee kasoo wareegatay Aas aaskii Ururkii SYL waxaa meelo badan oo ka mid ah dalka ka soconaya munaasabado lagu weyneynayo maalinta 15ka-May.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu dabaaldegaya maanta oo ku beegan Maalinta 15 May oo ah maalinta dhalinayarada oo ayaamahanba qaban qaabo xoogan oo loogu diyaar garoobayo dabaal degga Munaasabadaasi waday ururka dhalinayarada Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qaybgalay ururadda dhalinayarada kala duwan ee bulshadda, mas’uuliyinta dawladda iyo gudoomiyaha dhalinayarada Qaranka Soomaaliyeed Cabdulaahi Maxamad Nuur ayaa tilmaamay in 15 May ay tahay maalin qiima wayn u leh dhalinayaradda lagu xasuusto geesiyaashii 13-kii SYL kuwaas oo ku guulaysatay ka mira dhalinata in Soomaaliya ay hesho madaxbanaani.

Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa waxaa maanta looga dabaaldegay gudaa dalka Soomaaliya oo dhan iyo Dibaddiisa, haddaba waa maxay ujeedada ay dhallinyarada xuskan ay u dhigaayaan ?.

Sida la wada ogsoon yahay Dhalinyaradu waa lafdhabarka bulshada, horumarka dal kastana waxa uu ku xiran yahay sida loo hormariyo aqoonta dhalinyaradiisa, xiliga dhalinyaranimada waa waqtiga ugu haboon ee qofka bani’aadamka ah looga faa’iideysto maskax ahaan iyo muruq ahaan.

Haddaba 15-kii May sanadkii 1943-dii waxay aheyd markii 13 dhalinyaro Soomaaliyeeed ah ay ku dhawaaqeen ururkii dhaliyay gobanimada iyo Madaxbanaanida uu dalkeeni qaatay sanadkii 1960-kii, kadib markii ay dareemeen hagardaamooyinka gumeysiga.

Dhalinyaradaasi waxey ahaayeen wadaniyiin ku midoobay Soomaalinimo kana dhiidhiyay dhibaatooyinka gumeystihii reer Yurub, waxeyna xiligaasi ku dhawaaqeeyn ururkii SYC, kaas oo markii dambe loo bedelay SYL, waana urur u dhaqdhaqaaqayay gubanimada, wuxuuna halku dhigiisu ahaa axyaa wadan yaa Soomaali aheey axyaa wadani.

Halgan dheer ayaa loo soo maray dhiig farabadana wuu ku daatay neecawda xornimo ee aynu maanta heysano, inkasto isku duubni Soomaaliyeed lagu dhaliyay gobanimada sanadkii 1960-kii.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin taariikh aan duugoobin oo ku qoran buuqa lagu keydiyo taariikhda Soomaaliya baalashiisa dahabiga ah, waayo waxey sabab u noqdeen gobanimada dalkeena.

Su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay farqi noocee ah ayaa u dhaxeeyay dahlinyaradii hore ee dhaliyay gobanimada iyo kuwii ka dambeeyay, waxaa hubaal ah in dhalinyaradii hore aysan laheyn aqoonta dhalinyarada maanta, sidoo kalena aysana heysan fursadaha iyo aqoonta ay heystaan dhalinyarada hadda jirta, iyadoo sidaasi ay tahay ayaa haddana waxey dhexda u xirteen iney ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka gumeysiga.

Haddii aan soo koobno, dhalinyarada xiligan waxaan u kala qeynin karnaa Sadex qeybood, qaar loo adeegsado dagaalada iyo burburka, qaar gabbaad u raadsaday dibadaha iyo ka xun waxa dhacaya laakiin awoodoodu koobantahay.

Burburkii iyo dagaaladii dalkeena ka dhacayay 22 sano kadib Dhalinyarada Soomaaliyeed hadda waxaa hor yaal fursad dahabi ah oo la mid ah tan lagu xasuusto dhalinyaradii aas’aastay ururkii SYL, waxaana haboon in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u soo jeestaan sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo dalka, ayna muujiyaan wadaniyad iyo isku diibni kana gudbaan qabiilka iyo afkaarta xagjirnimada ah oo ah waxa an ka dhaxalnay burnurka iyo baaba’a..

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney maskax iyo muruqba ku biiriyaan dowladeena cudrdunka ah oo bilooyin ka hor dalka ka hanaqaday taas oo ah mid rasmi ah oo KMG aheyn, si aan u heegsano Qeyrkeen.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: