Dhalinyaro Soomaali ah oo Maxkamad ku taala dalka Mareykanka xukun ku ridday

Maxkamad1War ay soo saartay Maxkamada ku taala dalka Mareykanka ayaa shaagaya in xukun ku ridday dhalinyaro Soomaali ah kadib markii lagu helay iney taageero u raadinayeen argagixisada Shabaab.

Sida lagu soo warramay Maxakamadaynta Labadan ruux ayaa ka dambesay kadib markii lagu helay dembi la xirira in ay taageero u raadinayeen kooxda Shabaab ayagoo la sheegey in ay isku dayayen in ay qaldaan dhalinta ku nool magaalada Minipulis ee gobolka Minisota ee wadanka Mareykanka.

Labadan qof oo lagu kala magacaabo Maxamuud Sicid Cumar, oo 47, iyo Kamal Sacid Hassan, oo 28, ayaa waxaa lagu kala xakumay 10 ilaa 20 sano oo xarig ah kadib go’aan ka soo baxay Maxkamada gobolka Minisota ee Mareykana, waxaana ay ka mid yihiin ilaa 9 ruux oo lagu wado in iyana maxakamadu ay dacwadoodiaqaado.

Mr. Chris warrener oo ah madaxa saraakisha FBI da Mareykanka gaar ahaan Magaalada Miniyaabulis ayaa sheegey in ay sii kordhin doonaan dadaaladoodi la xirrira ka hortaga qataraha Alqaaida,

Dhanka kale Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegey in shirqooladani ay ka bilowdeen gudaha wadanka Mareykanka 2007 oo uu sheegay in ay soo if bexeen kooxo argagixiso ah oo shirar qarsoodi ah ku yeelanayey dalkaasi.

Si kasta ha ahaatee  waxa la rumaysan yahay in ilaa 20 dhalanyaro ah oo ku noolaa magaalada Miniyaabulis in ay ka soo tageen Mareykanka kuno soo bireen kooxda Shabaab.

SomaliSwiss         Miniyaabulis

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: