Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo sheegay inay wadaan qorshayaal dib loogu howl gelinayo Shirkadii Diyardaha Somali Airline.

diyaradda SomaliaDowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhowaan dib u howl gelineyso Diyaaradii Somali Airlines 22-sano kadib, si ay qeyb uga noqoto shirkadaha diyaaradaha caalamka ee duulimaayada caalamiga ku taga caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay dib ugu howl gelinayaan Shirkada Somali Airline, isla markaana ay dib u soo celiyaan adeegyadii kala duwanaa ee ay dowladda Soomaaliya shacabka u heysay.

Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waa, inaan soo celinaa heykalkii ay laheyd diyaaradii Somali Airline, oo hada mas’uul cusub loo magacaabay, waxaa wadnaa qorshayaal aan dib ugu howl gelineyno, waaxyaheeda dib loogu dhisayo”.

Wasiirka ayaa sheegay in ugu horeyn ay kala tashanayaan arrintaas shaqaalihii hore ee Somali Airline, oo isugu jira duuliyeyaashi iyo dadkii ka soo shaqeeyay, si loo bilaabo in howlaha diyaarada ay u heysay shacabka.

Sida la wada ogsoon yahay diyaarada Somali Airline ayaa waxay duulimaadyo caalami ah ku tagi jirtay Caasimado badan oo ku yaala daafaha caalamka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay ku timid guusha dib loogu howl geliyay Boostadii dalka, oo aanay shaqeyn mudadii dalku bur burka ku jitay, isagoo tilmaamay in dhowaan dib loo bilaabayo adeegyadii boostada, waxaana uu xusay in dhowaan shir ka dhacay dalka Switzerland ay ku guuleysteen in Soomaaliya dib uga bilaabato adeegii boostada.

Si kasta ha ahaatee waxaa la hadal hayaa in Mas’uulka Cusub ee loo magacaabay Shirkadda Diyaaradaha Somali Airlines uu yahay Maxamuud Maxamad Guuleed oo mudadii ay jirtay Dowladii Marxuum Maxamed Siyaad Barre uu ahaa ninkii Mas’uulka ka ahaan jiray Shirkadaasi.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: