Madaxweynaha DF Soomaaliya oo sheegay in Lacagaha loogu yaboohay Soomaaliya Shirkii London la gaarsiin doonaan Shacabka Soomaaliyeed Gobaladda Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.jpg2Madaxweynha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Shikh Maxamauud ayaa sheegay in Lacagaha loogu yaboohay Soomaaliya Shirkii ka dhacay Magaladda London aysan soo mari doonin hay’ado oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda.

Prof. Xasan Shikh Maxamauud ayaa sheegay in ay Ha’yadaha ka caawin karaan sidii ay ula soo ururi lahayeen, balse aysan waxbo ka quseen lacagahaa , wuxuuna sheegay in lacagahaasi ay gaarsiin doonaan Shacabka Soomaaliyeed kuwaa oo ku kala Nool Dagmooyinka iyo Gobaladda Dalka ayagoo u kala hor marin doonaan sida ay u kala baahi badan yihiin.

Sidoo kale Madaxwweynaha waxa uu sheegay in Waqtigaan aan la joogin Waqtigii uu qilaaf dhalan lahaa ama la isqabqabsan lahaa waxana uu xusay in Shacabka Soomaaliyeed ay guusha Gacantooda ay ku jirto ayna gacanta isqabsadaan si ay ugaaraan Gushaasi.

Sida laga warqabo waxaa horay lacagaha Dowladda loogu yabooho la soo marsiin jiray Hay’adaha samafalka, iyadoo sidaasi lagu soo gaarsiin jiray Shacabka Soomaaliya.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: