Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka oo Shaaciyay in Gacanta Lagu dhigay Raashin La Musuq Maasuqay.

PICT0531Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Shaaca Ka qaaday in Gacanta Lagu dhigay Raashin La Masuq Maasuqay Kaasi oo Loogu Tala galay dadka Ku tabaaleysan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Iyadoo Guddigu uu Ka dalbaday Hay’adaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya in Cadaaladda La Hor Geeyo Shaqsiyaadkii ka dambeeyay Musuq Maasuq Raashinkaasi.

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi siiye qaar ka mid ah  Warbaahina Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in La Musuq Maasuqay Raashin Gar Gaar ay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ay ugu Tala gashay dad uu Saameeyay Fatahaad Wabiga Shabelle uu Sameeyay.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Xusay in Raashinka La Musuq Maasuqay uu gaarayo 6000 oo Loor kuwaasi oo qorshuhu ahaa in Loo qeybiyo Dad danyar ah oo Ku Nool deegaanno Ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Balse waxa uu Carabka ku dhuftay in Musuq Maasuqa Raashinkaasi ay Ka dambeeyeen Hay’ado NGO ah iyo Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya Kuwaasi oo uu sheegay in Gacanta Lagu dhigay.

Dhanka Kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Ku Taliyay in si ammaan ah Loo dhiibo Raashinka hadda La hayo Xukuumadda Soomaaliyana ay La Xisaabtanto dadkii Ka dambeeyay Musuq Maasuqa Raashin Gar gaar oo Loogu tala galay dad Tabaaleysan oo Ku Nool Gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay oo Dhac iyo Musuq Maasuq Loo Geysto Raashin Loogu Tala Galay Dad danyar ah oo ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose dhawaan ayey ahayd Markii La Musuq Maasuqay Raashin Gar Gaar oo La Geeyay Deegaanno iyo Degmooyin Ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose La Musuq Maasuqay.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: