Midowga Africa oo qurbo joogta Soomaalida ugu baaqay inay ka qeyb galaan dib u dhiska dalkooda

Mahamat_Saleh_AnnadifErgeyga gaarka ah ee midowga africa u qaabislan arimaha Somaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa ugu baaqay qurbo joogta Somalida ee dibada ku nool in ay xoojiyaan ka qeyb galkooda ku aadan dib u dhiska dalka.

Ergeygaan ayaa qiray in Somaliya xilliyadii ugu dambeeyay ka jireen guulo wax ku ool ah taasi oo u baahan in la xoojiyo ka qeyb qaadashada qurbo joogto ee arimaha gudaha dalka.

Sidoo kale Ergeyga gaarka ah waxa uu rajeeyay in qurbo joogto ay baaqaan fulin doonaan si horay loogu horumariyo dadaalada dib u dhiska dalka Soomaalia oo 22dii-sano dagaallo Sokeeye.

Haddaba Qurbo joogta Soomaalida ayaa haatan billaabay maal gashi ay ku sameeyaan gudaha dalkooda iyadoo afartii sano ee ugu dambeeysay ay maalgashi xooggan ku sameeyeen magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss               Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: