Dowladda Sudan oo ugu Deeqday hal milyan oo Euro Barnaamijka dib u dhiska Soomaaliya.

?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????Dowladda Sudan ayaa Soomaaliya ugu deeqday hal milyan oo Euro si ay uga qayb gasho barnaamijka  dib loogu dhisaayo dalka Soomaaliya oo dhawaan Wadamada Caalamka ku go’aansadeen shirkii lagu soo bandhigayey baahida Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan, Cali Karti ayaa ku dhawaaqay in Sudan ay ku deeqayso hal milyan oo lacagta Euro ah, si loogu xoojiyo barnaamijka horumarineed iyo dib u dhiska ee caalamku ka fulinayo Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Sudan ayaa waxay ka mid ahayd dalalkii ka qayb-galay shirkii London ee looga hadlayay horumarita Soomaaliya, shirkaas oo ujeedadiisu ahayd sidii dalka Soomaaliya loogu ururin lahaa yabooh dhaqaale oo dib loogu dhiso, maadaama ay haatan ka baxday burburkii dagaalladii Sokeeye.

Wasiirka arrimaha dibadda Sudan oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:“Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay taageero caalami ah si ay u dhaliso nabad,” wuxuuna intaas ku daray in nabadda ay tahay midda keliya ee sababi karta in dalka uu horay uga socda halka uu maanta taagan yahay.

??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????Mudane Cali Karti wuxuu hadalkiisa raaciyay in dowladdiisa ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowladda Sudan ay Soomaaliya siisay 10,000 oo waxbarasho jaamacadeed oo lacag la‘aan ah si sare loogu qaado aqoonta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu kaloo uu sheegay in tababarro la siiyey ciidamada booliiska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka iyo waxbarashada dhinaca caafimaadka ah, wuxuu caddeeyey in marnaba ay Sudan ka joojin doonin Soomaaliya kaalmooyinka noocaas oo kale ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa dalal fara badan oo kasoo qaybgalay shirkii London ayaa ku yaboohay lacago fara badan oo ay ugu talogaleen dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo ay arrintaan si weyn u soo dhaweysay dowladda federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss               Khartum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: