Shirkii looga hadlayey Arrimaha Soomaaliya oo barqadnimada maantay ka furmay Magaalada London

shirka-london.jpg1Shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaiya ayaa barqadnimada maantay si rasmi ah uga furmay Magaalada London ee xarunta Britain, iyadoo haatan ay wafuudda shirka ka qaybgalaysa ku sugan yihiin goobti uu ka dhacayey.

Sida la wada ogsoon yahay Kulankan ayaa ah kii labaad oo Soomaaliya loogu qabto London, waxaana la filayaa inuu si weyn uga duwanaado shirkii kan horreeyay oo lagu qabtay isla London 23/02/2012, kaasoo lagu dhiirrigelinayey madaxdii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, balse shirkan waxaa looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada dhaqaalaha, Amniga, dib u dhiska iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa shirkaan wada-guddooomin doona, iyadoo war ay siiyeen warbaahinta labadoodu ku sheegay inay rajeynayaan in shirkaan uu noqdo mid guuleysta.

Sidoo kale Qodobbada shirka looga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan, ammaanka, dib u habeynta dhaqalaaha, cadaaaladda iyo xuquuqda aadanaha, iyadoo lagu wado in marka uu shirku furmo uu Xasan Sheekh soo hordhig xubnaha shirka ka qaybgalaya waxyaabaha ay doonayaan in laga caawiyo.

Shirkan oo lagu casumay Xubno sarsare ee ka socdo caalamka sida: Madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desaliegn oo dhammaantood ay Soomaaliya ka joogaan ciidammo ka caainaya dowladda sidii ay ammaanka u soo celin lahayd.

Waxaa xalay oo dhan ku howlanaa Guddiyo ka kooban Soomaali iyo Ingiriis sidii ay uga shaqeyn lahaayeen qaabka uu shirku u dhacayo sida ay u kala hormarayaan qodobbada laga hadlayo, iyadoo furitaanka shirka khudbado kala duwan laga jeedin doono.

Dhanka kale waxaa ayaamahanba ka faaloonayey Shirkan dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna aragtiyo kala duwan ka bixiyeen shirkan iyadoo qaarkood ay ku tilmaameen mid guul u ah Soomaaliya, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen mid aan ka duwanayn kuwii ka horreeay ee loo qatay Soomaaliya.

Sida horey loo sheegay in Shirkan uu socon doona maanta oo keliya, waxaana lagu wadaa in dalalka kasoo qaybgalaya ay ku yaboohaan dhaqaale lagu caawinayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, cadaaladda, xuquuqda aadanaha iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

SomaliSwiss        Landon

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: