Ku xigeenka xoghayaha guud ee Q,M oo sheegay in loo bahan yahay in Soomaaliya laga tagero dhanka Amniga.

General Jan Eliasson 1Ku xigeenka xoghayaha guud ee Q,M -General Jan Eliasson ayaa sheegay in ay doonayaan in QM ay si laba laabto dadaaladeda ku aadan sidii Soomaaliya ay uga gacan siin laheyd dhismaha wadanka iyo gargaarka bini aadanimo waqti Somalia ay kasoo hagaagayso sanado ay foowdo iyo colaado ay kusoo jirtay.

“Sababta ugu weyn aynu arintasi u sameyneeyno ayaa waxay tahay in ay jiraan hogaamiyaal Somaali ah oo ka run sheegaya xaalada wadanka” sidaasi waxaa yiri General Jan Eliasson.

General Jan Eliasson oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan tagay Soomaaliya sanadii 1992 halkasi oo ay baahi daran ay ka taagneed,xiligaan waxaan doonaynaa Soomaaliya in ay hesho taagero calami ah”.

General Jan Eliasson ayaa shegay in loo bahan yahay in Soomaaliya laga tagero dhanka xaqiijinta xasiloonida wadanka,kor u qaadista balan qadyada lo ssameenayo dowlada Soomaaliya.

Generaalku wuxuu tilmaamay in Soomaaliya in ay ku socoto xiligaan wadadii wanagsaneyn balse ay jarmi karto hadii ay sii socdaan weerarada Al-shabaab ay weli ay kawadaan Soomaaliya, hase yeeshee -General Jan Eliasson wuxuu ugu baaqay madaxda Soomalida in ay wada shaqeen ay dhex marto maamulada wadanka ka jira isagoona shaki galiyay suurta galnimada in ictiraaf la siiyo Somaliland.

SomaliSwiss        London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: