Ra’iisul wasaaraha DF Soomaaliya oo kahadlay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho.

Raiisalwasaare SaacidRa’iisul wasaaraha DF Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay fal argagaxiso oo lagu gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Qaraxii Ismiidamainta ahaa ee shalay dhacay ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab waxaana weerarka ku dhinteen 10-qof, tiro intaas ka badan waa  ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa waxa uu Tacsi udaray ehellada dadkii ku waxyeelaabay Qaraxaas wuxuun yiri: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii muwadiinta Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo kasoo horjeeda nolosha iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan ismiidaaminta ah lala beegsaday gaariga uu lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo waday wafdi ka socday dalka Qatar uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dowladda iyo isku socodka dadweynaha Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Saacid ayaa shucuurtiisa ku muujiyey inuu si aad ah uga murugaysan yahay dhibka loo gaystay dadka shacabka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacabweynaha Soomaaliya u sheegay in dowladda u taagan tahay difaaca dadka Soomaaliyeed, ayna xilli kasta xoojin doonto amniga guud.

Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha wuxuu caddeeyey inuusan jirin dambi ummadda laga galo oo ka weyn gumaadka lagu
hayo dadka rayidka ah ee am waxba galabsan isagoo intaas ku daray in maalin uun sharciga ay horimaan doonaan kuwa ka dambeeya falalka lagu waxyeeleynayo shacabka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: