Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u ambabaxay dalka Britain si uu uga qayb galo Shirka ka dhici doono London.

Somali President KenyaWafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta u ambabaxay dalka Britain si uu uga qayb galo Shirka ka dhici doono London waxaana lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada London ee dalka Britain halkaasoo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Soomaaliya maalinta Salaasadaha ah ee soo socota.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalaya dalal fara badan oo ah kuwa deeqaha bixiya , iyadoo ay guddoomin doonaan Madaxweyanha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Britain, waana shirkii labaad ee Somalia loogu qabto magaalada London.

Wararka ka imaanaya magaalada London ayaa sheegaya in magaalada London ay ka socdaan u diyaagarow lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo wafdigiisa  waxaana socdaalka Madaxweynaha uu noqonayo kii labaad ee uu tago dalkaas tan iyo markii xilkan loo doortay muddo sideed bilood laga joogo.

Sida la sheegay Shirka London waa uu ka duwan yahay shirkii hore, waayo shirkii hore waxaa qabtay dowladda Britain, balse midkaan Soomaalida ayaa codsannay ayadaana hoggaaminayso.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in ajandayaasha shirkaas ay horgeyn doonaan ay ka mid noqondaan siyaasadaha dowladda ee ay ku doonayso inay wax kaga qabato dalka, qorshaha la dagaalanka kufsiga iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda dalka.

Dhanka kale Sida ay sheegtay dowladda Britain waxaa lagu wadaa in shirku socdo hal maalin, waxaana dowladda Britan ay ku rajo-weyn tahay in qodobbada kasoo baxaya shirkaas ay noqdaan kuwo wax wanaagsan ka tara dib u dhiska iyo soo celinta amniga Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtay inay dib u soo celiso xiriirka kala dhexeeya dunida; waxayna sidoo kale dadaal ugu jirtaa inay soo celiso ammaanka guud ee dalka inkastoo Al-shabaab ay weli deegaanno badan ka taliso.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: