Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho oo Geystay Khasaare xooggan

Qarax.jpg4War goor-dhaweyd naga soo gaaray Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Barqadnimadii uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaari laga lahaa Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, gaadiidkaas  ay wateen howlwadeenno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad marti u ahaa Dowladda Soomaliya. Waxaana la sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen ugu yaraan 10-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay.

Sida lagu soo warramay waxaa Qaraxaa uu ahaa mid aad u xoog badnaa, waxaana laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho wuxuuna ka dhacay isgoyska KM-4, waxaana dadka ku dhintay ku jiray dad shacab ahaa oo saarnaa gaadiidka dadweynaha oo halkaas marayay wadadaas.

Goob-joogiyaal ku suganaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Gaariga uu ahaa mid yar, waxaana uu daba socday gaari uu waday wafdi, si kaddis ahna u qarxay, wuxuuna ahaa qarax weyn oo aanan dhawaanahan laga maqlin magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta soo gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka dowladda, kaddibna halkaas waxaa laga qaaday maydadkii dadkii ku dhintay qaraxaas iyo kuwii dhaawacmay waxayana ciidamadaas ay gebi ahaan xireen goobta qaraxaas ka dhacay.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta dowladda ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin weerarkaas inay ka dambeysay iyo inaysan ka dambeyn, balse hoggaamiyaha kooxdan ayaa ku boorriyay xoogaggooda inay xoojiyaan weerarrada ay ku hayaan dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli waddooyinka Muqdisho oo uu ka mid ahaa Isgoyska KM-4 dib loo furay, kaddib markii hay’adaha ammaanka ay sheegeen inay heleen fariimmo sheegaya inay Al-shabaab doonayso inay qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliso Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xaaladda Caasimadda ay hadda deggen tahay, balse goobta qaraxu ka dhacay ayaa lagu arkayay gaadiidkii ku gubtay howgalka ismiidaamintaas lagu fuliyay.
SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: